Yaa aasasay magaalooyinka xeebaha? Sida Saylac, Berbera, Muqdisho, Marka iyo Baraaw.

0
Tuesday June 11, 2024 - 12:20:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa aasasay magaalooyinka xeebaha? Sida Saylac, Berbera, Muqdisho, Marka iyo Baraaw.

    Sababaha ay ajnabigu uga maageen in ay meel bannaan..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababaha ay ajnabigu uga maageen in ay meel bannaan..


Waxa jirta sheeko baralay taariikh laga dhigay oo faaftay bartamihii qarnigii 19 , waxay tahay in ay carab aasaastay magaalooyinka xeebaha soomaalida ugu caansan sida Saylac, Berbera, Muqdisho Baraawe iyo Marka, ragga aad ugu nuuxnuuxsaday ee ku celceliya waxa kamid ahaa Charles Guillian 1847, waliba isaga oo yasaya soomaalida, taariikh cad oo uu soo xigtayna wuu iska indha tirayaa.


Sheekadan jilbaha ayaan u laabtay muddo hadda sadax sano gaadhaysa si aan u helo xog iyo qoraallo lagu kalsoonyahay oo ay qoreen raggii carbeed ee magaca kulahaa juquraafiga iyo taariikhda qarniyadii hore, xeebaha soomaalidana ka hadlay, raggaa waxa ugu horrayay Abuu Cimraan Siiraafi oo noolaa qarnigii 4 ee Hijriyada. Qarnigii 19 waxa arrintan isna diiday oo waliba si cad u sheegay in aanay carabi deegaan ka taaginin xeebaha soomaalida kabtan Owen oo soo maray 1830.

Sababaha ay ajnabigu uga maageen in ay meel bannaan yagleeltaan ama qolo soo qaxday ay magaalo meel ka aasaasato xeebaha soomaalida kamid ah iyo qoraallada lagu xusayba waynu tixi doonna.
Khariidaddan waxa sameeyay Guillaume, waxayna soo baxday 1707.
Jawaabta su'aasha hore: Aasaaska waxa lahaa soomaalida.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...