Baraha bulshada ayaa ina baa'bi'iyay ka jiil ahaan!

0
Tuesday June 11, 2024 - 08:42:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baraha bulshada ayaa ina baa'bi'iyay ka jiil ahaan!

    Waxaan u baahan nahay inaan telefoonka hoos u dhigno oo aan ahmiyada..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan u baahan nahay inaan telefoonka hoos u dhigno oo aan ahmiyada..


Dadku wey is qiyaamayaan, Kuma qanacsana inta ay haystaan oo mid waliba damaciisa waa inuu (attention) helo oo lasoo jaleeco, Marwalibana waxay u maleeyaan dadka ay baraha bulshada ku arkayaan inay ku jiraan nolol tooda ka wanaagsan,



Dadku waxay iska dhigayaan ama matalayaan waxaysan ahayn.


Waxaan u baahan nahay inaan telefoonka hoos u dhigno oo aan ahmiyada siino waxa horteena ah (Mustaqbalka), Anagoo is garansiineyna sidaan u nahay jiil nasiib leh oo casri horumar kusoo aaday dhinaca kale yaan ka reebin waqti fitno ah oo Aaqiro zaman ah ayaan dul hoganaynaa oo ku dhex suganahay, Waxaa loo baahan yahay inaan is ilaalino midkeen kan kale wacyi galiyo, Oo aan ku mahdino waxaan haysano kahor inta aysan isku beddelin waxaan haysanay hada kahor.


Waa waqti uu Rasuulkeena (N.N.K.H) ku tilmaamay qofkii diintiisa xajista inuu lamid yahay qof dhimbil holcaysa gacanta ku sita oo kale fitnada maanta jirta awgeed, aan feejignaano dhalinyaro aduun qiimo badan ku fadhin ayaan ku dhex suganahay oo Alle inagu eegayaa naguna xisaabin doonaa maalinta Aaqiro waxaan kusoo dhex samaynay intii yarayd ee aan soo noolayn.


قال تعالى: الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا وَهُوَ الْعَزِيزُ الْغَفُورُ {الملك: 2}


Hadafka noloshan oo dhami aayadan ayee kusoo koobmaysaa run ahaantii.



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...