Qofku waxa uu ugu bixinta badan yahay, waa wax uu isagu hore u soo waayay

0
Tuesday June 11, 2024 - 08:40:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofku waxa uu ugu bixinta badan yahay, waa wax uu isagu hore u soo waayay

    Qosolkaas ilaa gawsaha la qaawinayo waxa ku qarsoon..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qosolkaas ilaa gawsaha la qaawinayo waxa ku qarsoon..



Qofku waxa uu ugu bixinta badan yahay, waa wax uu isagu hore u soo waayay oo aanu soo helin, dadka jaadkaas ah ee wax ay u baahnaayeen laga xarrimay, si deeqsinimo leh oo daba-ka-werwer la' ayay u bixiyaan waxaas, maadaama ay garanayaan qadhaadhka ay leedahay wax-waayiddu!
Ama qofkaas sida saayidka ah wax kuugu quudhayaa waxa uu doonayaa in uu naftiisa uga mag dhabo wixii uu hore u soo waayay.


Laga yaabee qofka sida waallida ah kuu jeclaaday in uu doonay in uu ku yidhaahdo: "in badan ayaan ku taamayay in uu qof ii jeclaado sida aan kuu jecelahay!"

qof kasta oo marka ay dhibi ku haleesho garab ku siiyaa, murugo kama madhna, laga yaabaa in uu garanayo qadhaadhka ay leedahay in uu qofku murugoodo, oo aanu helin cid isgarab taagta oo murugtiisaas la wadaagta!

Qof kasta oo wax ku siiyaa ma aha hantiile, laga yaabaa in uu si dhab ah u dhaaddan yahay, xanuunka ay leedahay in uu qofku wax u baahdo oo aanu helini! Qof kasta oo madaxa kuu salaaxa micneheedu ma aha in uu welwel iyo walbahaar ka madhan yahay, laga yaabaa in uu doonay in uu hab kale Ilaahay u baryo, o0 isaga oo aamusan oo adiga madaxa kuu salaaxaya uu qalbiga ka leeyahay: "Ilaahayow; waanigaas dadka kale werwerka la qaybsanaya ee madaxa u salaaxaya, ee anigana adigu madaxa ii salaax oo werwerka i weydaari!"
Noloshani way adag tahay qof kastaana waxa uu dhankiisa ula daalaa dhacayaa dagaal aanay cidina war ka haynin!

Qosolkaas ilaa gawsaha la qaawinayo waxa ku qarsoon dhaawacyo aan bogsoon.
Muuqaalladaas nimcada ah ee aad arkayso waxa ka danbeeya waayitaan adhaxjebis ah.
Xitaa qoraallada jacaylka ahi aalaaba waa tebid iyo xiise loo qabo mid la jecel yahay oo la sugayo.
Dadku waxa ay wax ka qoraan waxa ay waayaan, in ka badan inta ay wax ka qoraan waxa ay haystaan, ee si dhib yar dadka ku dhaaf oo rafaadkaas kadeed ha ugu sii darin, hana noqon mid dadka ka arka uun muuqaalkaas guud ee ay muujinayaan.
Buuga wanku salaamay saaxib
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...