DEG DEG Dhallinyarada Xamar Ku Xidhani Waa Madluun u Xidhan Isir-nimadooda" Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

0
Monday June 10, 2024 - 10:13:20 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Dhallinyarada Xamar Ku Xidhani Waa Madluun u Xidhan Isir-nimadooda" Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

    Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi..



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dhallinyaro u dhashay Somaliland oo ka shaqeynaayey ha’yadda duulimadyada ee Soomaaliya oo ku xidhan magaalada Muqdisho ee Caasimadda ciidamada shisheeyey ilaaliyaan .


 

Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in dhallinyaradaasi ay u xidhan yihiin isir-nimadooda, maadama oo ay hayb ahaan ka soo jeedan Somaliland, waxaanu ka digay in la dhibaateeyo barbaarta aan waxba galabsan, kuwaasi oo loo ciqabaayo isir-nimadooda.



 

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi, "Waxaan ka digayaa in dagaalka dhinaca Hawada Sare ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu wax-yeelleeyo shacabka iyo dhallinyarada aan waxba galabsan.

 

Dilkii Aqoon-yahanka ahaa ee reer Somaliland ee u shaqaynaayey hay’adda duulista Xamar waa Marxuum loo dilay haybtiisa, Kuwa la midka ah ee lagu hayo jeelasha Xamar-na waa madluumiin u xidhan isir-nimadooda”

Loading...
Loading...