Ma odhan karnaa Adis Ababa iyo Nairobi waa ka Faa'ideen Midowgii Hargeisa iyo Muqdisho

0
Sunday June 09, 2024 - 17:45:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma odhan karnaa Adis Ababa iyo Nairobi waa ka Faa'ideen Midowgii Hargeisa iyo Muqdisho

    Labada Dal ee aynu soo sheegnay ayaa ku sugnaa khilaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada Dal ee aynu soo sheegnay ayaa ku sugnaa khilaaf

Hargeisa Gacan kuma Hayso Xuduudkii Dhulkii Hawd ee Soo Celintiisa Muqdisho ula Midowday.
Muqdisho Gacan kuma hayso Dhulkii ilaalintiisa Hargeisa ula midowday ee 1960 sheeganayeen Addis Ababa iyo Nairobi, oo iminka waxa xukuma Ciidamada labada Dal.


Jabuuti khilaaf Xuduudedna ma Galin mid midowna ma galin, Lafaheeda ayay Caynsatay Mar hore, Ishana waa ka dawanaysaa.

64 Sano Ka hor iyo Bisha aynu ku jirno ee June, oo ahayd mid loo diyaar garoobayo, Madaxbanaanida iyo Gobonimada, labadii Dal State of Somaliland iyo state of Somalia kuwaas oo ku midoobay Somali Republic markii danbe.

Labada Dal ee aynu soo sheegnay ayaa ku sugnaa khilaaf xuduudeed oo ka dhaxeeya dalalka jaarkooda, ee kala ah Kenya iyo itoobiya.

Sida ka muuqata Mapka Dawlada Muqdisho wuxuu khilaaf xuduudeed ka dhaxeeyay adis ababa oo sheeganaysay qayb ka mid ah, Dhulka ay xukunto Dawlada Somalia ee xarunteedu tahay muqdisho.
Sidoo kale Dalka Kenya iyo Somalia ayaa khilaaf Xuduudeed ka dhaxeeyay, kaas oo sida Mapka ka muuqata Nairobe Daba socotay dhulka Jubaland oo maamulkiisa laga Soo wareejiyay 1925 tii.

Dhanka Dalkii Somaliland ee Xaruntiisu ahayd Hargeisa, waxa khilaaf xuduudeed ka dhaxeeyay Itoobiya, kaas oo sida Mapka ka muuqata ahaa Dhulka Hawd oo maamulkiisa Hargeisa ka wareegay 1955kii Dhanka Jabuuti iyo Hargeisa ma jirin Khilaaf xuduudeed oo ka dhaxeeya.

Maxaa kalifay in ay midoobaan labada Dal ee Madaxbanaanida Qaatay?
Waxa kalifay Midowga Hargeisa iyo Muqdisho khilaafka xuduudeed ee kala dhaxeeya Dalalka jaarka, kaas oo dhanka Hargeisa dareemaysay in dhul khilaafkiisu ka dhaxeeyay mudo 70 Sano ah Adis ababa Gacantooda ka baxay.

Ajandihii Midowga maxaa ka qabsoomay?
1961kii ayaa khaafkii Kenya laga heshiiyay.

Kenya oo markaa u diyaar garoobaysay Madaxbanaanida in ay qaadato ayay ogolaatay in ay ka tanaasusho, sheegashada Jubaland, taas oo la kala saxeexday 1963 dii.

walow wakhtigan Ciidanka Kenya Xukumaan Dhulkaasi Jubaland, Dadka dagana xukunkooda ka raali yahay hadana Dalka Kenya wali kuma dhawaaqin in uu yahay qayb ka mid ah dhulka Kenya.

Itoobiya iyo khilaafkii ka dhaxeeyay dhanka midawga Somaliland, waxa lagu guuldaraysay wada Hadalkiisa oo soo taxnaa 1955, kaas oo xalkiisu noqday in Dagaal lagu qaada si loo qabsado dhulka Hawd 1964 tii, Dagaalkii lagu qaadayna ma noqon mid Guulaysta, wakhtigana waxa Gacanta ku haysa Dhulkaa Itoobiya.

Dhanka Somalia dii Xarunteedu ahayd muqdisho, iyo Khilaafkii dhuleed ee itoobiya ka dhaxeeyay, June–August 1982 ayay Itoobiya Dagaal ay ku qabsanayso Dhulkaasi ku soo qaaday, laakin kuma Guulaysan. Inkasta oo wakhtigan Itoobiya Ciidamkeedu Gacanta ku hayo dhulkaa badankiisa, Dadka Dagana raali ku yihiin maamulkooda hadana wali kuma dhawaaqin in uu yahay qayb ka mid ah dhulka Itoobiya

Burburkii Midowga?

Laga Soo bilaabo markii 5 bilaabo un Midowga lahaa, oo Noqonaysa 1961 bishii Koobaad, Midowgii waxa soo kala dhex galayay Madmadow kaas oo salka ku hayay, Khilaaf ka dhashay, sida awooda Dawladeed ee lawada dhisanayo, u qaybsanayaan labada Dal ee Gobonimada qaatay.

Kaas oo markii danbe ku dhamaaday 1991 kii, iyadoo labadii midoobay is baabiyeen,
2024 ta.

Adis ababa iyo Hargeisa ayaa ku heshiiyay in itoobiya aqoonsato in uu burburay Midowgii Hargeisa iyo Muqdisho mid kastana adis ababa ula macaamisho laba dal oo kala madax banaan.

Halka adis ababa, oo hore u qaadatay Dhulkii Hawd, in ay Hargeisa ugu Darto 20km oo bad kiro ah wakhti dhan 50 ilaa 100 Sano.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...