Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Khudbad-Sannadeedkii Dastuuriga ahayd kaga hadlay Qodobadan.

0
Sunday June 09, 2024 - 16:25:20 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Khudbad-Sannadeedkii Dastuuriga ahayd kaga hadlay Qodobadan.

    IS-AF-GARADKA SOMALILAND IYO ITOOBIYA (MOU):

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

IS-AF-GARADKA SOMALILAND IYO ITOOBIYA (MOU):



"13-kii Bishii February 2012-kii ayey Somaliland ogolaatay in ay wada-hadal la gasho Soomaaliya, waxaanay muddadaa la gashay 10 shir. Dhammaan shirarkii wixii lagu heshiiyey midna kamay fulin Dawladihii Xamar ee kala dembeeyey.


Halkaa waxa ka cadaatay in Dawladihii Xamar ka talinayey aanay daacad ka ahayn xallinta dhibaatada dhexdooda taalla labada dal ee midoobay 1960-kii.

Dabcan, dadku aragtida wey ku kala duwanaan karaan, laakiin xaqiiqada taariikhda leh, ee shuruucda leh, ee rabitaanka shacbi leh lama duudsiyi karo.

Waxa noo cadaatay in Dawladda Xamar ka dhisani ay iska idho-tirayso in aanu nahay laba dal oo siman oo ku midoobay 1960-kii raadinta 5-tii Soomaaliyeed. Mar haddii ay xaqiiqadii diidan tahay Soomaaliya waxa hubaal ah in aanay faa’iido yeelanayn shirar dambe oo aanu isku-kugu nimaadnaa.

Sidaa darteed, waxaannu ka tashannay danta Somaliland, waxa lagama-maarmaan noqotay in la-raaco halka ay ku jirto danta Somaliland. Danta Somaliland waxay ku jirtaa Dawlad kasta oo ka garaabaysa Qaranimada Somaliland iyo Madax-bannaanideeda. Dal kasta oo ogol in ay Somaliland si siman wax-u-wada qabsadaan oo ay danno isu-weydaarsadaan iyo saaxiibtimo ku fadhida is-ixtiraam iyo is-qadarin.

Haddaba, Is-af-garadka Ethiopia iyo Somaliland dhex-maray 1-dii January waxa sal u ah qodobbada aan soo xusay ee ah sinnaan laba dal oo midna Aqoonsi helaayo, midna Saldhig Ciiidan Baddeed oo kiro ah helaayo. Nuxurka wax-wada-qabsigu waa horumarinta ganacsiga, iyada oo Dekedda Berbera u adeegi doonta Dadka iyo Dalka Ethiopia.

Ethiopia waa ta ugu dadka badan dalalka aan badda lahayn ee adduunka. Sidoo kale, waa dalka 7aad ee ugu dhulka weyn dhammaan dalalka aan badda lahayn ee adduunka.

Axdiga AU-ku waxa uu sheegaya in dalalka Africa ay dhammaan ku fadhiyaan xuduudihii isticmaarku ka tagay. Somaliland waa Dalka qudha ee leh xuduudo caalami ah oo ku fadhiya kuwii isticmaarka, isla markaana AU-ku ay ka cago-jiidayso aqoonsigeeda.

Halkaa waxa ka cad in labada dal ay is-weydaarsadeen danno waaweyn oo midna helayso aqoonsi Caalami ah, midna helayso Saldhig Ciidan Badeed iyo Adeegga Dekedda Berbera oo ah mid la isku hallayn karo. "
"Colaadda gaamurtay ee Soomaaliya waxay ku tusaysaa dagaalka Hawada iyo Duulimaadyada ee ay ku soo qaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaad ogaydeen in shirarkii aynu ku galnay Istanbul 1, Istanbul 2 iyo Djibuutiba ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen in Maamulka Hawada Sare ee dhammaanba Jasiirad Lamoodka Soomaalida (Somali Peninsula), gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya lagala soo wareego Qaramada Midoobay, si wada-jir ahna loo maamulo, dakhliga ka soo baxana la qaybsado. Balse Ballankaa iyo axdigaa la wada galay waa ay buriyeen, waanay ka baxeen, waxaanay u qaateen in Hawada Sare, oo 75% Duulimaadyada Hawada Sare ay isticmaalaan Hawada Jamhuuriyadda Somaliland, ay iyagu kaligood iska leeyihiin maamulkeeda iyo dhaqaalaha ka soo baxa intaba.

Kaaga darane, waxa ay gaadhay heerka cadaawaddoodu in ay isku dayaan in ay celiyaan diyaaradaha rakaabka ah iyo diyaaradaha gaar ah ee qaadaya dadka xanuunsanaya, sidii dhacday 17-kii January 2024. Taasi waxa ay keentay in aan 12-kii February 2024 amar ku bixiyo in Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ay si toos ah ula wareegto maamulka Hawada Sare.

 Somaliland waxa ay la wareegtay 100% Maamulka Hawada Sare ee Jihada Waqooyi (Northern Sector).
 Waxa ay sidoo kale la wareegtay 50% Maamulka Hawada Sare ee Jihada Koonfureed (Southner Sector). Taasi waxay muujinaysaa in Maamulka Muqdisho uu maamulaa kaliya 250 Nautical Mile oo u dhiganta Kaliya 463 KM oo Hawada Sare ee dhulkii Jamhuuriyaddii duntay ee Somali Republic.

 Waxa ay sidoo kale Somaliland la wareegtay dhammaan Xidhiidhka Is-gaadhsiinta Hawada Sare ee Rasmiga ah (All Primary Voice Communication) ee diyaaradaha iyo duulimaadyada isticmaala Hawada Sare ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u caddaynaysaa Bulshada Caalamka iyo Shirkadaha Diyaaradaha isticmaala Hawada Sare ee Somaliland in Maamulka Hawada Sare ee dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku jirto gacan ammaan ah, masuul ah oo xil-kas ah, adeeg kasta oo ay u baahdaana loo qaban doono si xil-kasnimo leh.

Sidoo kale, waxaanu u sheegaynaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada Hawada ee loo soo gaabiyo (ICAO) in cidda kaliya ee ay wada-hadal kala gali karto Maamulka Hawada Sare ee Somaliland ay tahay Jamhuuriyadda Somaliland, oo iyadu maantaba maamusha inta badan ee Hawada Sare ee Jasiirad La-moodka Soomaalida (Somali Peninsula), sida ay ICAO u taqaano.

Ugu dambeyn, waxaan ka digayaa in dagaalka dhinaca Hawada Sare ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu wax-yeelleeyo shacabka iyo dhallinyarada aan waxba galabsan. Dilkii Aqoon-yahankii Somaliland ee u shaqaynaayey Hay’adda Duulista Xamar waa Marxuum loo dilay haybtiisa, Kuwa la midka ah ee lagu hayo jeelasha xamar-na waa madluumiin u xidhan isir-nimadooda. "

"Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland waa Siyaasad dagan oo aan is-beddelin, oo ku dhisan mabdi’iyan Qorshe qeexan oo ah deris-wanaag, nabad-gelyo, iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhex-mara dalalka Caalamka oo dhan, gaar ahaanna dalalka deriska, taas oo macnaheedu yahay Siyaasad Xasarad La’aan (Zero Conflict Policy).

Taas macnaheedu maaha in Jamhuuriyadda Somaliland ay gacmaha laabanayso haddii la diido deris-wanaagga iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha Dalalka Gobolka Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran jiraya oo haysta Shacab hal-adag oo qaatay qaraar adag oo ay ku hirgelinayaan madax-bannaanidooda muddo kasta oo ay qaadanayso. Shacabka Somaliland waa dad guda abaalka loo galo. Sidoo kale, abaalkiisa ka waraabiya cid kasta oo kula kacda daandaansi iyo colaad.
Xukuumaddan aan gadh-wadeenka u ahay waxay geed dheer iyo mid gaabanba u kortay aqoonsi-raadiska Somaliland. Waxaad wada xasuusan tihiin in aynu in badan safarro ku gaalaa bixinay Afrika si aynu u helno saaxiibo badan oo Afrika ah.

Waxa Tusaale ah markii aan tagay Guinea Conakry. Madaxweynihii markaa joogay waxa uu diyaar u ahaa Aqoonsiga Somaliland, waxaanay ka muuqatay soo-dhaweyntii heerka Madaxweyne ahayd ee uu u fidiyey weftigii aan hoggaaminayey, isla maalintaas ayey Soomaaliya xidhiidhka u jartay Guinea Conakry, waxaanna uu Madaxweynihii Soomaaliya ee wakhtigaasi uu qaylo ka dhex tolay Shirkii Midawgii Africa, isaga oo ku eedaynaya Madaxweynihii Guinea Conakry in uu jibiyey Xeerkii Midawga Afrika.

Haddana waxa ku xigtay Kiiniya, iyadana sidaa si la mid ah ayey Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay markii aan safarka ku tagay, isla markaana ay qaylo iyo bulaan kula dhex-dhacday shirkii Afrika.
Xukuumadda aan hoggaanka u hayaa waxay safarro badan ugu baxday dalal badan, waxaana ka mid ah:


1) Dalka Ethiopia.
2) Dalka UAE.
3) Dalka USA.
4) Dalka Kenya
5) Dalka Guinea Conakry.
6) Iyo Dalka Djibouti.
Loading...
Loading...