Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Ku Guulaysatay Inay Xayiraadii Ka Qaado Markabkii Xoolaha Siday

0
Sunday July 14, 2019 - 18:26:48 in News by
  • Visits: 10545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Ku Guulaysatay Inay Xayiraadii Ka Qaado Markabkii Xoolaha Siday

    Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Ku Guulaysatay Inay Xayiraadii Ka Qaado Markabkii Xoolaha Siday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Ku Guulaysatay Inay Xayiraadii Ka Qaado Markabkii Xoolaha Siday


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa guulaystay inay dawlada Sucuudigaka sii dayso markab xoolo ka qaaday dekeda magaalada Berbera oo lagu xayiray magaalada Jidah.


Xayiraada dawlada Sucuudigu ku soo rogtay markabkan xoolaha ka raray dekeda magaalada Berbera ayaa timid ka dib markii wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee soomaaliya uu amar ku bixiyey inaanay dawlada sucuudigu dejin xoolaha saaran markabkaasi.

Image may contain: 1 person, suit


Amarka wasiirka ayaa keenay in dawlada Sucuudigu ay si rasmi ah u xayirto xoolihii saarnaa markabkaasi ilaa la keeno warqadii muujinaysay caafimaadkooda oo ka timaada dawlada Muqdisho.


Raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dhankiisa soo fara geliyey xayiraada la saaray markabkii xoolaha ka raray dekeda Berbera, isaga oo meesha ka saaray go’aankii wasiirka isla markaana amar ku bixiyey in si deg deg ah xayiraada looga qaado xoolaha saaran markabkaasi, amarkaas oo ay dawlada Sucuudiguna aqbashay.


Dawlada Soomaaliya oo aan wali si rasmi ah uga hadal qadiyada la xidhiidha markabkan ayaa hadana wararka laga helayaa sheegayaan inay jiraan qodobo ay isku afgarteen dawladaha soomaaliya iyo Sucuudigu kuwaas oo ku saabsan markabkii xayirnaa iyo maraakiibta kale ee la soo rari doono maadaama oo loo diyaar garoobayo ciida barakaysan ee ciidal Adxa isla markaana dalka Sucuudiga oo malaayiin xujaaj ahi imanayaan looga baahan yahay xoolo lagu guto waajibaadka gawraca ee ku jira gudashada xajka.


Raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo deegaan ahaan ka soo jeeda somaliland ayey wararku sheegeen inuu awoodiisa iskugu geeyey sidii dawlada sucuudigu xayiraada uga qaadi lahayd markabka xoolaha siday, taas oo ugu dambayn u suura gashay.


Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan qaadin wax talaabo ah oo ay ku furdaaminayso xayiraada uu la kulmay markabkii xoolaha ka raray dekeda Berbera taas oo shaacintii xayiraada ka dib aan wax xog ah la wadaagin bulshada.

Loading...
Loading...