Sidee Somaliland ugu dhici kartaa doorashoyin nabdoon oo xasiloon sanadkan 2024 W/Q Mohamed Aden Hassan

0
Saturday June 08, 2024 - 09:49:43 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Somaliland ugu dhici kartaa doorashoyin nabdoon oo xasiloon sanadkan 2024 W/Q Mohamed Aden Hassan

    Shacab waynaha Dalka waxa looga bahan yahay in ay ku codeeyaan ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacab waynaha Dalka waxa looga bahan yahay in ay ku codeeyaan ..


Somaliland waxaa ka dhacay doorashooyin Madaxwayne iyo Barlamaaniyo gole deegaan shantii sano mar walow ay jiraan muddo kordhino dibu dhac ku keena doorashada. Doorashada oo ah heer qaran waxaa coodbixin (vote) sameeya bulshoweynta ku dhaqan deeganadaasi. Madaxweynaha ayaa waxaa loo doortaa inuu xilka hayo muddo shan sanno ah. Sidoo kale Golaha baar lamaanka ayaa loo codeeyaa; kuwaasi oo u kala baxa Golaha guurida oo ka kooban 82 xubnood; iyo Golaha wakiilada oo ka kooban 82 xubnood. Guud ahaan, Somaliland waxaa ka jira tiro xisbiyo ah kuwaasi oo u tartama jagada madaxweynaha iyo kuraasta golayaasha.



Somaliland may 2021 waxa ka dhacay doorashadii u horesay ee I sasaaran ama isku sidkan oo ahayd doorashada golaha wakiilada iyo golayasha Deegan ka.


Somaliland waxay qaan gaadh ka tahay dhinaca doorashoyinka iyo nidaam ka xisbiyada badan waxayna ku jirta dawladaha bariga Africa ay ka dhacaan doorashoyin xor ah oo xalal ah sida kenya, waloow ay kenya inta badan ka dhacaan is qab qabsi dhinaca doorashada ah sida aan wada ognahay halka Somaliland oo ah dal curdin ah aanay ka dhicin wax is qab qabsi ah iyo is daba marin dhinaca doorashoyin ka.


2024 doorashada madaxtooyada waxa dhinac socota doorashada ururada oo iyana la dooran doono saddex da xisbi ee noqon doona xisbiyo qaran oo dalku yeelan doono 10 ka sano e soo socda haddi alle idmo.

 

Doorashada somliland ee 2024 maxay u baahan tahay?


somaliland waxa ay u bahan tahay doorasho cadaalad ah iyo Daah-furnaan doorashada oo ah arrin muhim ah oo lagu taageerayo doorasho lagu kalsoonaan karo. Habka daah-furnaanta doorashadu waa mid ay tallaabo kastaa u furan tahay inay xubnaha iyo shaqaaluhu eegaan. Bixinta daah-furnaanta doorashada waxay abuurtaa kalsoonida iyo geeddi-socodka, maadaama cod-bixiyayaashu ay haystaan hab lagu xaqiijiyo natiijada inay tahay mid si sax ah uga tarjumaysa rabitaanka xubnaha tartamaya heer madaxwayne iyo heer xisbi qaran ba.


Guddida guud ee doorashada ( Electrol commission ) waxa looga bahan yahay in ay doorashada u qabtaan si cadaalad ah oo daah furan isla markaana ay dhex u noqdaan dhammaan cidda tartamaysa wakhtiga soo socda.


 

Xukumadda Somaliland waxa looga bahan yahay in ay amaan ka dalka ilaaliso guud ahaan iyo gaar ahaan ba waxa kale oo looga bahan yahay in aanay faro galin geediga doorashada bilow ilaa dhamaad.


 

Shakhsiyaad ka u tartamaya heer madaxwayne ilaa heer xisbi qaran dhamaantood waxa looga bahan yahay in ay aqbalaan doorashda iyo natiijada soo baxda amniga dalkana ay ilaaliyaan isla markaana ay xakemayaan taagerayashooda iyo cod bixiyashooda.


 

Shacab waynaha Dalka waxa looga bahan yahay in ay ku codeeyaan amni ku ololeeyaan si wacan oo aan wax u dhibayn nabada iyo jiritaan ka dalka iyaga ayaa ah cida jaan goneysa doorashada iyo kala saaraysa cida tarmaysa sida daradeed waxaa looga bahan yahay in ay si fog u fakeraan oo wax u eegaan isla markaana si qaan gaadhnimo ah wax u doortaan.


Doorashadani aad bay u muhiim u tahay waxaan rabnaa in aynu badalno qaabkii hore e aynu wax u dooran jirney ee qabiilka ku xidhnayd waxaan rabnaa ciddi wax ka qabanaysa amniga siyaasada , dhaqalaha shaqo abuurka iyo kor u qaadista laamaha dawlada waa in aynu doorana qabiilku doono ha ahaado magalada uu doono haka soo jeedo waa in aan doorkan ka xorownaa dhammaan caqabdaha isla markaana diirada saarna fursadaha iyo nolol wanaaga.


 

Doorashada Somiland iyo amniga

Doorashooyinka iyo amnigu waxay leeyihiin xiriir aad u muhiim ah, sababtoo ah doorasho hufan iyo caddaalad ah ma dhici karto haddii aan la hubin amniga codbixiyayaasha, shaqaalaha doorashada, iyo goobaha codbixinta. Amniga doorashada waxaa lagu gaaraa qaab dhismeedyo iyo tillaabooyin kala duwan oo isku dhafan.


Waa in aad loo hubiyaa dhamaan amniga goobaha cod bixiyaasha , amniga shaqalaha doorashada , amniga cod bixiyayaasha , ka hortaga iyo la dagaalan ka musuq maasuqa , amniga technologyada doorashada ayaa isna muhiim ah iyo helitaan ka iyo wada shaqaynta hayadaha kala duwan ee u xilsaaran amaan ka iyo doorashoyin ka.


 

Gaba Gabo

Waxaan u bahan nahay in ay inoo dhacdo doorasho xasiloon oo aad u wacan kana duwan wax badan farsamo ahaan iyo magac ahaan ba doorashoyin kii ee dalka ka dhacay dadka Somaliland waxaan u rajenayaa nabad xasilooni barwaaqo iyo wanaag waara idam alle.

 

Mohamed Aden Hassan

 

Contact Gmail: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...