Islaan Waayeel Ah Ayaa Jaceylka Wax Laga Weydiiyay, Waxay Ugu Jawaabtay:

0
Friday June 07, 2024 - 11:10:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Islaan Waayeel Ah Ayaa Jaceylka Wax Laga Weydiiyay, Waxay Ugu Jawaabtay:

    Waxaan u qaatay JACEYLKA inuu yahay: yadadiilo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan u qaatay JACEYLKA inuu yahay: yadadiilo



Markii iigu horeysay ee aan kalimadaas maqlo waxaan ahaa Gabar yar.

Waalidkeyga ayaa laabta igelin jiray wuxuu igu dhihi jiray "احبك" "WAA KU JACLAHAY".


Waxaan JACEYLKA u fahmay inuu yahay : hilow , Ammaano, iyo laab negan.

Markaan Soo qaangaaray... Waxaan arkay warqad fariin ku qoran kana timid wiil aan deris nahay... Cinwaanka warqada wuxu ahaa MAGACEYGA oo kulamaanan kelimad"احبك" "WAA KU JACLAHAY".

Waxaan u qaatay JACEYLKA inuu yahay: qeyb ka mid ah waali.

Markii la I soo doontay, isaga wuxuu igu yiri:"احبك" "WAA KU JACLAHAY".



Waxaan u qaatay JACEYLKA inuu yahay: yadadiilo, hawl, ujeedo iyo rabitaan.

Waa guursaday, maalintii labaad guurgeyga xabiibkeyga wuxuu iga dhunkaday madaxa wuxuuna igu yiri WAA KU JACLAHAY.


Anne waxaan u qaatay JACEYLKA inuu yahay: Hilow lagu daray hilow kale.

Hal sano ayaa ka soo wareegatey, waxaan dhalay cunuggii ugu horeeyey...., anoo sariirteyda ku jiifinaayo, ninkaygii ayaa ii yimid oo uu igu yiri: "Waan ku jeclahay".


Waxaan ogaaday:Jacaylku inuu yahay (mahadsanid, mahadnaq, naxariis, iyo danqasho).

Sanado badan ka dib Marka ah kasoo wareegatay...

timaheygii waxa ay cirroobeen...

caruurteydiina waa ay wada guursadeen...

markaas ninkeyga ayaa timahayga eegay oo dhoola cadeynaya waxa uu igu yiri isagoo dhoola cadeynaya:"waan ku jeclahay".

Waxaan gartay: Jacaylku inuu yahay (naxariis, mawado balan oofin, iyo daacadnimo )...

الحب يبدأ صغيرا فيكبر شيئا فشيئا

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...