Guddi Hoosaad Ka Mid Ah Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Muqdisho

0
Sunday July 14, 2019 - 16:45:12 in News by
  • Visits: 1759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddi Hoosaad Ka Mid Ah Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Muqdisho

    Guddi Hoosaad Ka Mid Ah Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddi Hoosaad Ka Mid Ah Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Muqdisho


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta arrimaha bulshada.





Shirka maanta oo ay ka qeyb galeen wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa looga hadlay horumarinta arrimaha bulshada iyo dardar gelinta fulinta qorshayaasha wasaaradaha u degsanaa in ay ku dhammaystiraan sannadkaan 2019.


Wasaaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka XFS ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay mareyso xaaladda bini’aadninimo ee ka jirta guud ahaan dalka.


Wasaaradaha qaybta ka ah tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa lagu war-geliyay in la billaabayo isla xisaabtanka lagu daba gelayo wixii wasaaradaha uga qabsoomay halbeegyada sannadkaan u qorsheesnaa ee ay ballan qaadeen fulintooda.


Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...