Dalkan Kuwii Xoreeya Haddana Maanta Duminaaya.Doonaaya Dabadood Inaanu Daaq Ka Soo Bixin.

0
Thursday June 06, 2024 - 12:17:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalkan Kuwii Xoreeya Haddana Maanta Duminaaya.Doonaaya Dabadood Inaanu Daaq Ka Soo Bixin.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]



 

Dagaalka Iyo Colaadii,Haddii Laydin Dili Waayay,

Duni Nabada Gaadheen,Dadkuna Doortay Taladin,


Daayin Mahadnaqiisay Ahayd,Inaad Ku Deeqdaane,

Dib Maxawgu Celisen Colaad,Way Damqanayaane,



Dakharadii Horay Weli Qabaan,Doogta Nabarkiye,

Daryeel Iyo Waxay Doonayeen,Diirnax Loo Fidiyo,


Ka Dar Dibi Dhal Weeyaan,Inaad Laba Diblaysaane,

Duruufahay Qabaan Waxa U Dheer,Daayaciyo Ciil,


Dulmi Iyo Qabyaaladi Ma Aha,Dawlad Dhaqankeed,

Dalkeenani Badbaadu Rabaa,Doorkan Maanta Ahe,


Doorashada Haddii Aad Gashaan,Duul Kalaa Imane,

Duco Qaata Oo Naga Degoo,Dalabka Guud Dhawra.


Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...