Askari Tuhun Been Ahi Tahan Kaa Tuur ( Abdi-Shotaly).

0
Monday June 03, 2024 - 10:12:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Askari Tuhun Been Ahi Tahan Kaa Tuur ( Abdi-Shotaly).

    *.N.B Illaah Baa Guntiga Kuugu Xidhay Maydhax Gumareede.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

*.N.B Illaah Baa Guntiga Kuugu Xidhay Maydhax Gumareede.

Nin-ba Tacabkii talooy kaa maal, ka ku tashaday xumo, tamar is bidoo, ku talaabsaday, muxuu wakhti tolay, sidda toojadda, tulud geeloo, tebtey llmihii, olol taagteed, tahan qaylisay, cidlaad tubantee Kulmiyaw tasho, dadkii kaa tage, adays turqayoo ,is tafaafulay, inan kuu tudho, hayga tuugine, tuugyey ka furfuro, tuhun been ahi tahan kaa tuur. 


Ummad yahay, murti uu inooga tegay Cigaal Shidaad baa waxay ahayd " Saadam-baad garan" Waxay ina faraysaa, in aanan wax uun ku dhaqaaqine, aad iska fiirsato, iskana hubsato, inta aanad ku kicin ama aanad falin, wuxu Cigaal Shidaad ka dardaar-maayey, qofku in uu qoomamayn doono, wax yaabaha laga kari la'yahay, ee la leeyahay ka joog, wuxu ganafka sare u taago-ba, oo uu is diidsiiyo wax cadaan ahba, aakhirka way hor timaadaa iyadda oo aan la loodin karayn, ka dibna markaas buu indhaha kolba meel ku fiiqaa isaga oo itaal daran. Waxana u daliil ah kolba meel isku qaadka, bal sidana ku day, taas oo ay aakhirkii Reer SooL ay soo gabaga-beeyeen, akhristaw, markii ay anfaci wayday, waxana uu ku keeni waayey, madax-taaggii iyo qafal-xumiddii uu nafta moodaayeey, waanay soo wajahday, oo hadeer waakaas xaar ka wadhay, ka hadli kari la' ilaa imika ciidankii uu jebiyey.

Askarigan " Raggii ma adigaa ka hadhay la yidhaaho", Waayo'arag-nimaddii daridda haysa iyo garasho la'aanta ay aqoon xumidda iyo cuqdadu dhaadhmisay sii dheer tahay, waa wax aan la dhayalsan karin, ninka ay tuumbo malab ahi meel ugu jirtaana kuma qanco, illaa ay bishu hortiisa timaado'e, isku soo duuboo ha eersado ficil-kiisa federaha ah.


Ummadu waa cadaalad iyo sinaan doon, dulmi diid ah iyo maamul beelaysan, waana ay iman doontaa maalin-toodu. Hees baa waxay odhanaysaa, " Inu Haad habeen kaco,heehaabo heegadda, hafiyaan dabayluu, hidihiisa maahee, hadimadda u baaqdee, kala hadshay samadaa, u horseplay Halistee" Waxan uga socdaa, wuxu yahay askarigu haadkii habeenka duulay, ee jiho uu u kacay garan waayey iyo meel uu ka soo noqdo-toona, ee khal-khalkii hadba gees u baf-baf-leeyey. Ummadu waxay si wacan u fahantay, in aad tahay cadawga keli ah ee Somaliland jira, hadaad tihiin labadda askari. qudhmiye wuu soo gabaga-boobay, wuxuna noqday ri'ddii mudo ay sugayeen caruur dhawr ahi in loo liso marka ay dhasho, ee iyaddii oo dhiil weyn ay u sii cusheen, iyaddii dib isu jaqaday, ee caanihii laga filanaayey, iyaddi isku koobtay, cid loo liso daayoo.
Waxan uga jeedaa, askariga qudhmiyaw " Illaah baa guntiga kuugu xidhay, maydhax gumareede, geedkii ad goysaaba waa, gawlaliyo jiice" Maxaanu kuu qaban karnaa, haddii aad noqoteen adiga iyo Geenyo-shaaximani tukihii cadaa iyo Xuunshaddii madoobayd, ee uu mid-koona dhex geli kari waayey noociisii, iska wax baal leh kale oo duula'e.Haddii ummaddii aragiina daayo, maqal-kiinii dhegaha ay ka furaystay, waa midh subxaana-laah "Nabsaa ku haya, hagardaamo gacal, hadimadii-siiye, Aduun baa hayeydda u guntane, heeryo lagu saarye". Saw ma tihid ninkii seexday ee soo toosay, ma wax baa iska kaa bedelay? Adoo taariikh-daadda og, weligaa cidla iyo meel aan loo jeedin baad ka botorisaa, oo adaa lamaha isku soo jebiya aan kuu dhawayn inta aad doonto'e. Waxa ay Reer Somaliland ku leeyihiin, wax-ba shaadh kale ha noo soo gashan, cid aad maanta wax u sheegayso baa iskaba yare.


Kuma taranee ha ku talo gelin, Talo maalin bay ahayd, waa tii la garan waayey, Nin baa shir ka hadlay beri oo yidhi " Wax baan ogahay" Markaas baa la waydiiyey, oo lagu yidhi maaxaad og-tahay sheekhaw? Bal hadda aanu ku dhegaysano'e ,noo dhaqaaji waxa laguu nuuriyey, wuxu ugu jawaabay " Anigu idiin sii sheegi-maayo'e, ee cadceedda oo duhur ah, hadhku gondaha joogo, oo ay tahay siddii Qu'raanku sheegay " Yaa Mac-sharal-jini wal Insi" oo aad soo wadda taagan tihiin, markhaatina ka ah, cid hadhay jirin, baad si cad u arki doontaan waxa lay tusay, buu hadalkii ku soo xidhay. ujeedo iyo haatan, anna waxa uu hadalku igaga go'an yahay, oo aan ku soo af-meeray qoraalkan, haddii aad qadanay-saan iyo hadii kale-ba.
Waxa nasiib darro ah hadaba, kuwa weli sii hoose fadhiya, ee "Digsi Xagato" Hungri mooyee aan wax kale loo tuurin, ilayn haddii qanjidh mooyaane wax kale la siiyo'e,

*.N.B Illaah Baa Guntiga Kuugu Xidhay Maydhax Gumareede.

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...