Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuun Axmed Yuusuf Siciid

0
Sunday July 14, 2019 - 15:03:53 in News by
  • Visits: 3368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuun Axmed Yuusuf Siciid

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuun Axmed Yuusuf Siciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuun Axmed Yuusuf Siciid


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Axmed Yuusuf Siciid oo kamid ahaa haldoorka miisaanka ku leh dhex bulshada reer Somaliland, dhawaanna ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Image may contain: 4 people, people standing, wedding, shoes and outdoor

Image may contain: 8 people, people standing, crowd, wedding and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people, crowd, wedding, sky and outdoor

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay doorkii shariifka ahaa ee uu marxuum Axmed Yuusuf Siciid kasoo qaatay dib-u-dhiskii iyo horumarintii dadka iyo dalka reer Somaliland, waxana uu tilmaamay inuu marxuumku bulshada ugu jiray kaalin mug iyo miisaan leh oo la tebi doono.


Xubno kale oo kamid ah waxgaradka iyo hormoodka bulshada oo iyaguna goobta Aaska hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna marxuumka ku sifeeyey haldoor bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa, kana tegay taariikh wax ku Ool ah oo aan la hilmaami Karin.

Image may contain: 3 people, people standing, shoes and outdoor
Image may contain: 7 people, people standing, wedding, sky and outdoor
Image may contain: 16 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 8 people, people smiling, people standing, sky and outdoor

Marxuum Axmed Yuusuf Siciid, ayaa kamid ahaa haldoorka reer Somaliland ee sida weyn uga soo qayb-qaatay dib-u-dhiskii dalka, isaga oo sidoo kale kamid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxana Aaskiisa ka qaybgalay badiba labeenta iyo waxgaradka Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Loading...
Loading...