Muxuu Daaranyahay Kulanka Muuse Biixi La Qaatay Beesha Ciidagale?
"Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa bilaabay kala jiidashada Beelaha"
Hargeysa -(HWN)- Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada beesha Ciidagale.
Waxa kulankaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud ee Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya.
Sidoo kale Kulankaa waxa la isku raacay in la dhiso lana taageero musharaxa madaxweynaha ee xisbi xaakimka Kulmiye iyo xukuumaddiisa.
Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Madaxtooyada Somaliland.
Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa bilaabay kala jiidashada Beelaha Somaliland.
Loading...
Loading...