Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Dacwad Laga Qabo

0
Sunday July 14, 2019 - 09:49:09 in News by
  • Visits: 5458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Dacwad Laga Qabo

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Dacwad Laga Qabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Dacwad Laga Qabo

 


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa ku hawlan fulinta qorshaha loo samaynayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.



Wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guryeynta ayaana fulinaysa hawl galada lagu meel marinayo qorshayntii loo sameeyey magaalada Laascaanood.

Image result for wasiir qambi

Hawl galada lagu fulinayo qorshaynta magaalada Laascaanood ayaa saameeyey qaybaha kala duwan ee ganacsiyada ka jira magaaladaasi, iyada oo la dumiyey guryo iyo dhismayaal kale oo qorshuhu jiidhay.


Shirkada laydhka siisa magaalada Laascaanood ayaa ka mid ah kuwa ay saameeyeen hawl galada lagu fulinayo qorshaynta magaalada Laascaanood, waxaana la dumiyey deyr ku yaala koonaha magaalada oo ay yaalaan qalabka solarta ee kaydisa tamarta cadceeda taas oo qayb ka ah hababka ay shirkada laydhka ee magaalada Laascaanood dadweynaha u gaadhsiiso adeega korontada.


Gudoomiyaha shirkada korontada Laascaanood Cabdinaasir Maxamed Bare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hawl galada qorshaynta magaalada Laascaanood ay dhibaato gaadhsiiyeen xarun ay shirkadu leedahay isaga oo xusay inaanay jirin wargelin ay ka heleen wasaarada hawlaha guud oo fulinaysa hawl galadan.


Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wasiirka hawlaha guud ay dacwad ka gaadhsiinayaan madaxweynaha, isaga oo xusay in khasaare badani soo gaadhay qalabka solarta ee shirkadu leedahay.


Gudoomiye Cabdinaasir oo ka hadlaya khasaaraha soo gaadhay ayaa waxa uu yidhi " Waxaanu wasiirka hawlaha guud iyo hawl wadeenadii la socda u sheegnay inaanu soo dhawaynayno wixii horu mar ah balse aanu u baahanahay wakhti nala siiyo,nidaamkan waxyeeladu naga soo gaadhay waa mid dalal badan laga keenay waxaana qaarkood sameeyey wadamada Talyaaniga, Turkiga, Swizerland mana ah wax si sahlan loo hagaajin karo.”


Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay arintan dacwad uga qabaan madaxweynaha somaliland "Nasiib daro waxa ah in iyada oo aan nala siin xataa saacad ogaysiin ah gidaarkii la dumiyey, hantidii meesha taalayna lagu ciyaaray, Solarkana boodhku waxyeelo ayuu u yahay qayb ka mid ahina way dhacday, arintaasna cidii masuuliyadeeda leh ayaa qaadi doonta, waxaanan madaxweynaha dacwe uga nahay arintaas, masuuliyad ayaanan u baahanahay inay yeelato wixii horumar ah ee la samaynayo, imika magaaladii waa bilaa laydh muxuu noqon karaa horumarka la soo kordhiyey.”

Loading...
Loading...