Ceerigaabo oo dhalinyaro lagu xidhay Calan qalaad iyo Burco oo lagu ciidey calanka Talyaaniga.

0
Thursday May 30, 2024 - 11:16:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceerigaabo oo dhalinyaro lagu xidhay Calan qalaad iyo Burco oo lagu ciidey calanka Talyaaniga.

    Waxaan halkan uga mahadnaqayaa jilibka Muuse Ismaaciil ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkan uga mahadnaqayaa jilibka Muuse Ismaaciil ...



Waxaa shalay la xukumay dhalinyaro ay dad waaweyni dabada ka riixayeen, kuwaas oo lagaga gar helay in ay Degmada la dhex yaaceen calan dadka ku cusbaa. Maantana waxaa warbaahinta lagu arkayey dhalinyaro saxaafadda ka shaqaysa oo ka cabanaya in weriye doonayey in uu wax ka ogaado xaaladda dhaqaale ee shaqaalaha dhakhtarka weyn ee Burco uu gacan ka hadal iyo jeel ugu beddelay Badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer. Haddii ay arrintaasi jirto waa in innamada la xaal mariyo.



 

Inkasta oo ay saxaafadda iyo masuuliyiinta degmada Burco aanay ka warhayn ama aanay dan ka gelin calanka Talyaaniga ee magaalada meel walba ka babanaya. Calanka xarumaha dowladda iyo kan beerta gurigeyga ka taagan mooyee, magaalada badhtankeeda waxaa meel kasta sudhan calankii midabada Soomaalilaan oo joog u tax loo tolay.


 

Inkasta oo degganaanshaha Ceerigaabo uu xilkeeda xukuumadda Kulmiye saaranyahay, doorasho iyo doorasho la'aanba, haddana waa in ay ka howlgalaan ururada gaarka u tirsada, sida Waddani, Kaah iyo Rajo oo isagu gabbalo ka caddeeyey in aanu marnaba ogolaanayn in nabadgelyada degmada iyo tan gobolka la wiiqo. Oday Ismaaciil X Nuur waynu uga mahadnaqaynaa kaalintiisa isku haynta dadka iyo foojignaantiisa.


 

Waxaan halkan uga mahadnaqayaa jilibka Muuse Ismaaciil oo aan wax xumaan ahi hore noo dhex ool, isku qolona aanu nahay, in ay soo dhiibeen niman ku eedaysan dilidda Marxuun gacantooda ku baxay. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa intii balamaha noo qaaday, gaar ahaan Xildhibaan Meecaad oo diyaaradda dusheeda ii balanqaaday in uu nimankaa gacantayada soo gelinayo.


 

Reer Soomaalilaan waxaan u soo jeedinayaa, in aanay rumaysan dadka faalooyinka ka sii daaya baraha Bulshada, xitaa haday qabyaaladi ku qaado oo uu xaafaddaada yahay.


 

Ciidamada qaranka Soomaalilaan waa Libaaxyo aqoon iyo edaab badan, haddiise Libaaxyada uu horgalo Bakayle waxay muujinaysaa Bakaylayaal la soo ururiyey iyo itaalkood.


 

Bashiir Tarabbi Oogle,

Burco, Soomaalilaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...