Dalalkii Aqoonsiga Wadaye,Noo Dagaalamayay,Dib Ayay U Maagan Dhawaan Daacad Xumideena.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Dawlada Iyo Dadkii Kala Durko,Diide Wadarteena,
Dawana Looma Helin Weli Inuu,Debec Midkod Muujo,
Dadaal Waxii La Soo Maray Durbay,Dibu Iloobeene,
Danta Lagama Boodee Wuxuunba,Lagu Daweeyaaye,
Doqoniimo Weeyaan Haddaad,Debecsanaan Weydoh,
Dawgal Baanay Noqotaa,Waxaad Doonto Kelidaaye,
Dawladaa Dulqaad Laga Rabaa,Daadahayn Shacabe,
Daryeel Caafimaad Iyo Idinkoon,Koob Biyaw Darinba,
Duruusta Iyo Skuulada Helaan,Doolar Kuwa Haysta,
Dibindaabyo Kalena Hawgu Darina,Daayacnimadiinan,
Doorasho Iyo Durbaan Soo Marayo,Waa Duruus Hore,
Daartaa Kii Galiyo Kii Ka Degaya,Wax Isma Doorshaane,
Daayinkuunba Wax Bixiye,Hadduu Duunyo Kula Maago,
Dadkeeduu Ku Siiyaa Intaanu,Daaha Kaa Roginba,
Dardaar Werin Iyada Oon Ahayn,Ama Duqayn Gaar Ah,
Da'daan Jiray Ayuun Baan Hadliyo,Duuga Waxa Muuqda.
Daayinoow Allahayow Adiguunba,Dawsan Noo Furayah.
Ismail Abdillahi Handuleh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!