Fursada Waxbarasho Ee Baraha Bulshada.

0
Wednesday May 29, 2024 - 10:58:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fursada Waxbarasho Ee Baraha Bulshada.

    Caqabad: waxaa dhacda mararka qaar dhalinyaradu inay hagardaamo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caqabad: waxaa dhacda mararka qaar dhalinyaradu inay hagardaamo


Baraha bulshadu waa isha ugu fursada badan ee dhanka waxbarashada ankee marka goobaha kale-sida iskuul ama jaamacad - la barbar dhigo sidaas oo ay tahay waxaa laga yaabaa inaad 10 sanno isticmaalaysay baraha bulshada aqoona aanad kasoo xasilin keliya aad qosol iyo maadays uun aad kasoo kodhodhsatay.


Adiga oo qarashkaagii,waqtigaagii iyo jidhkaagiiba inta ugu badan baraha ku bixiya haddana aan wax aqoon ah kala harin waxay cadayn u tahay inaad tahay qof cimrigiisii uu qasaaray diyaarna aan u ahayn inuu aqoon kodhodhsado;waayo inaad baraha bulshada wax ka barato waxay cadayn u tahay in hammi waxbarasho uu kugu jiro taas oo dhalinaysa inaad wax baarto aqoontana aad geed kasta u harsato.



Kolka la eego cilmiga diiniga & maadiga ogow culuumta diiga ah ee baraha bulshada lagu soo gudbiyo dhammaantood waa bilaash oo wax lacag ah la iskama qaado markii laga reebo meelo gaar ah,culumada waaweyn ee caanka ahna si bilaash ah ayaad ku heli karaysaa dhammaan kitaabada ay akhriyeen. Ogow culumadu wax maal aduunyo (lacag) ah kuma qaataan diinta ay dadka u akhriyaan Illaahay dartii ayay kugu anfacayaan ee adigu noqo ka faa'idayste la mahdiyo.


Dhanka kale koorsooyinka maadiga ah badankoodu waa lacag oo sida ay adduunyo ugu tacaluqaan ayaa maal adduun looga tabcaa,waxaa kaa kaafinaya muuqaal aqoon wax ku ool xambaarsan oo aad daawato ama podcast 1 saac ama ka badan soconaya inaad maskaxdaada ku dhisto.


Caqabad: waxaa dhacda mararka qaar dhalinyaradu inay hagardaamo kala kulmaan dhanka koorso iibsiga sida in waqtiga koorsada laga soo daahiyo,inta lacag laga qaado in wax wax koorso ah la siinin iwm.laakiin caqabadaas ma badna oo dadka koorsooyinka soo gudbiya waa dad aqyaar ah.


Ugu danbayntii haddii sannado badan kaa qasaareen waxba ha shalaayin maxaa yeelay weli kansho(fursad) ayaad haystaa wixii horay kuu dhaafay iyo wax ka badanba waad ka daba tagi karaysaa'e fadhiga ka istaag oo qorshee waqti aad baraha bulshada kaga faa'idaysato.


W/Q Ahmed Qasaali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...