MAXAA DAAWO U AH HILMAANKA ?
Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyah ayaa yiri:- Haddii waxaan doonayo,,,
Hilmaanka iyo Fahmo Xumidu waa Xanuun Beryahan Dambe aad looga Cabanaayo, taas oo aad arkayso Qof Dhalinyaro ah oo haddana markaad Wax weydiiso kugu Oranaaya waan iloobay ama ma Xasuusto, markaan sidaa leeyahay ulama jeedo yaan waxba la ilaawin, waayo ilaahay ayaa Bini'aadamka ku Tilmaamay ilowshiyo badane, balse waxaan ulajeedaa ilowshiyaha Xanuunka ah ama Xasuusta oo Qofka ku yaraata, Sabab kastaaba ha keentee. Waxaan jeclahay inaan Maanta halkan ku soo Bandhigo Labo Qiso iyo Daawadooda sida ay Suurada Quraanka ahi u Daaweysay.
Ibnu Haashim RC, ayaa Siiradiisa ku werinaaya (Masaajidkii Ibnu Cabaas ayaa Maalin waxaa soo galay Wiil Dhalinyar ah, Dharkiisuna ay Wasakh leeyihiin, isla markaan isla hadlaaya oo Xagga Maskaxda ka jirran (waalan). Dadkii Masaajidka joogay ayaa arkay Wiilkan Xanuunsanaya ee Masaajidka soo galay, ka dib Dibada ayay u Saareen. Ibnu Cabaas ayaa Sheekadii Maqlay oo Dadkii ku yiri:- muxuu ahaa Wiilkani?, waxeyna ugu jawaaben:- waa Wiil Xanuunsan oo Waalan.
Ibnu Cabaas RC, ayaa yiri iigu yeera Wiilka, markii loo keenay ayuu Gacmihiisa Madaxii Wiilka saaray wuxuuna ku Akhriyay Suuratu Yaasiin, markuu ku Dhameeyay Akhriskii ayuu ilaahay u soo celiyay Caqligiisii, Xanunkiina ka Caafimaaday? Dadkii ayaa Weydiiyay wuxuu ku Akhriyay ee ilaahay Caqliga ugu soo celiyay Wiilka?, Wuxuuna ugu jawaabay waxaan ku Akhriyay Suuradii Rasuulku ku sheegay iney tahay Wadnaha Quraanka. (Suuratu Yasiin).
Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyah ayaa yiri:- Haddii waxaan doonayo inaan Xafido ay igu Adkaato Xifdintiisu ama markasta aan Hilmaamo, Faraha ayaan ka Qaadi jiray waxaana soo Qaadan jiray Kitaabka Qur’aanka, waxaana Akhrisan jiray Suuratu Yasiin, markan Dhameeyo ayaan ku noqon jiray wixii igu Adkaaday ama aan Hilmaamay, markaan Hal mar Akhriyo ayaan Xafidi jiray.
Inkastoo Qur’aanku Dhamaantii Hanuun iyo Daawo u yahay Dadka Muslimka ah ayey hadana Suuratu Yaasiin tahay Furaha Maskaxda iyo Daawada ilowshiyaha.
Waxaa Qortey: Asmo mohammed 



AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...