Wariye Lagu Jidhdilay Burco Kadibna La Xidhay.

0
Wednesday May 29, 2024 - 08:21:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Lagu Jidhdilay Burco Kadibna La Xidhay.

    War-saxaafadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed
War-saxaafadeed


Ururka suxufiyiinta soomaliland ee Solja waxa uu cambaaraynaya fal gacan ka hadal iyo xadhig iskugu jira oo loo gaystay suxufi Siciid Cali Cisman (xaalays) manta oo ay taarikhdu tahay 28th May 2024. Suxufigan oo ka tirsan telefishanka Sky Cable Tv xaruntiisa Burco ayaa saaka cabaara 10 subaxnimo isagoo ku guda jira hawl maalmeedkiisa shaqo isla markaana jooga cubitaalka Guud ee Burco oo uu ka socday mudaharaad ay samayeen qaar kamid ah shaqaalaha cusbitaalka ayaa markii uu isku dayey in uu wax ka waydiiyo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer waxaa Suxufiga gacan ka hadal u gaystay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer iyo ilaaladiisa.
 
Waxa xusid Mudan in wariyaha loo diiday warqadda dhawaac muujinta oo uu muddo dalbanayey balse galinkii danbe ee maanta loo ogolaaday, taasina waxay tacadi ku tahay xaqa muwaadinka ee ashtakada oo uu u damaanad qaaday qodobka 28aad faqradiisa ee dastuurka JSL iyo qodobada 14,21, ee xeerka Habka ciqaabta.


Solja waxay xaqiijisay dhaawacyada suxufiga soo gaadhay iyadoo Goob joogayaal badanna joogeen goobta gacan ka hadalka suxufiga loogu gaystay. 
Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu xidhay suxufi Siciid oo mudo hal saac ah xidhnaa.


BAAQ

Sidaa awgeed ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA . 
1. Waxa uu cambaaraynaya tacadiga iyo xadhiga sharcidaraddaa ah ee lagula kacay wariyaha  shaqadiisi gudanayey. 
2. Falkani waxa uu cabsi galin ku yahay suxufiyiintu inay shaqadooda u gutaan si madax banaan.
 
3. Dastuurka JSL qodobkiisa 32aad faqradiisa 3aad waxa uu reebay fal kasta oo lagu cabudhinayo shaqada iyo madax banaanida warbaahinta kala duwan ee dalka. 


Shaafici Maxamed Ibrahim 

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA 


            [email protected]
Loading...
Loading...