Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Shaaciyey Sadex Qodob Oo Ay Kaga Heshiiyeen Khilaaf U Dhaxeeyey.

0
Saturday July 13, 2019 - 21:11:34 in News by
  • Visits: 1633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Shaaciyey Sadex Qodob Oo Ay Kaga Heshiiyeen Khilaaf U Dhaxeeyey.

    Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Shaaciyey Sadex Qodob Oo Ay Kaga Heshiiyeen Khilaaf U Dhaxeeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Shaaciyey Sadex Qodob Oo Ay Kaga Heshiiyeen Khilaaf U Dhaxeeyey.


Muqdisho(HWN):-Gudoomiyeyaasha aqalka sare iyo golaha shacabka ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa heshiis ka gaadhay khilaaf u dhaxeeyay labada gole.




Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa wada hadal saacado qaatay oo ay ku yeesheen Muqdisho waxay kaga arinsadeen khilaaf u dhaxeeya labada gole ee ay hogaamiyaan, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen labadooda ku xigeen.


Gudoomiye Mursal iyo Gudoomiye Xaashi oo ka dib kulankooda si wada jir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay heshiis ka gaadheen khilaafkii u dhaxeeyey isla markaana ay dib u bilaabmayso wada shaqayntii ka dhaxaysay.


Labada gudoomiye ayaa sheegay inay isla qaateen inay ka gudbaan wixii cabasho ah ee ay kala qabeen isla markaana ay wada shaqayntooda soo celiyaan, iyaga oo si wada jir ah u sheegay inay baarlamaanka horyaalaan arimo muhiim ah oo shuruucda doorashooyinka.



Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa warbaahinta u sheegay sadex qodob oo uu cadeeyey inay ku heshiiyeen dhigiisa aqalka sare kuwaas oo kala ah dardar gelinta wada shaqaynta labada gole, samaynta xeer hoosaad ka dhaxeeya golaha shacabka iyo aqalka sare iyo in la dhiso guddida adeega baarlamaanka.

Loading...
Loading...