Wasiir Maxamed Kaahin Oo Tacsi Udiray Qoyska Marxuum Suldaan Barre

0
Monday May 27, 2024 - 13:05:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Tacsi Udiray Qoyska Marxuum Suldaan Barre

    "Wuxuu ahaa shaqsi ku suntan nabad iyo isu soo dhowaynta bulshada "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wuxuu ahaa shaqsi ku suntan nabad iyo isu soo dhowaynta bulshada "


Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed wuxuu Tacsi u dirayaa Ehelkii, Asxaabtii, Madax dhaqameed iyo guud ahaanba Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo galabta ku geeryooday Magaalada Hargeysa.


Wasiirku wuxuu marxuumka Eebe uga baryayaa in uu Janatul-fardawsa ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, Ehelkii, Asxaabtii iyo madax dhaqameedka uu ka geeryooday Suldaan Barre in samir iyo iimaan Eebe ka siiyo. AMIIN AMIIIN AMIIIN.


Wuxuu ahaa shaqsi ku suntan nabad iyo isu soo dhowaynta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ahaa shaqsi dhowrsoon, kana soo qayb qaatay halgankii iyo dib-u-dhiska Dalka.  Alle ha u naxariisto.

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...