Akhriso Taariikh-da Marxuum Suldaan Barre Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.

0
Monday May 27, 2024 - 12:56:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Taariikh-da Marxuum Suldaan Barre Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.

    "AHN Waxaa Uu Ifka Kaga Tegay Laba Xaas Iyo Lix Caruur Ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"AHN Waxaa Uu Ifka Kaga Tegay Laba Xaas Iyo Lix Caruur Ah"


AHN Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale 1946kii Ayuu Ku Dhashay Degaanka Daba-Gorayaale Ee Gobolka Daad-Madheedh Waxaana Dhalay Aabo Xaaji Xuseen Caraale Guuleed Oo Ahaa Mid Ka Mida Odaaysha Ugu Caansanaa Geyiga Soomaaliyeed. 



Waxaa Uu Ku Taabo Galay Deegaanka Hargeisa,Isagoo Aad Yar Ayaanu Noqday Hormuudka Bulshada Ka Dhex Muuqda,Waxaana Uu Inta Badan Ee Noloshiisa Ku Bixiyay U Shaqaynta Bulshada Mar Kasta Heerka Uu Ka Gaadhayey. 


Sanadkii 1997kii,Ayaa Loo Caleemo Saaray Suldaanada Ka Mida Ah Madaxda Dhaqanka Ee Somaliland,Caleemo Saarka Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baligubadle,Ilaa Maalintaas Waxaa Uu Door Shariif Ah La Qaatay Dhismaha Qaranka,Nabada Geeska Afrika Iyo Isku Xidhka Bulshoyinka Soomaaliyeed.

 
AHN Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale Guuleed Sadexda Sano Ee Ina Dhaafay Waxaa Uu Ahaa Bukaan Socod  Ku Qanacsan Qadarka Uu  Alle Keenay.

 
AHN Waxaa Uu Ifka Kaga Tegay Laba Xaas Iyo  Lix Caruur Kala  Ah Hal Wiil Iyo Shan Gabdhood. 


Sida La Filaayo Wiilka uu Dhalay Ee Axmed Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale Ayaa  Loo Caleemo Saari Doonaa Buuxinta Jagada Suldaanka Ee Uu Maanta Baneeyay AHN Suldaan Bare Xaaji Xuseen.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...