Dunida Waayaheediyo,Dadka Ku Nool Bal Daawada.

0
Monday May 27, 2024 - 10:26:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunida Waayaheediyo,Dadka Ku Nool Bal Daawada.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]...



Tu Khass Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Dab Nin Sudhay Dalkiiso,Dagaal Oogayow Nacas,

 

Daayacaha Dalkiiseen,Dareemayninoow Doqon,



 

Duliyaan Difaacino,Danaysanaayaba Badan,

 

Dibiraha Dhergaayeen,Inana Diidanba Jiraha,


 

Daaquud Cadaawaha,U Danaynayaa Badan,

 

Dabadhilif Dal Kale Jecel,Kiisa Duudsiya Jira,


 

Doogsi Dhabad Hunguri Dilo,Alle Doriweeyan,

 

Dabagele Shisheeya,Durbaanka U Tumaa Jira,


 

Duuflaal La Qaatoo,Dawo Beelahba Badan,

 

Doqon Fiicanba Jira: Dantiisu Yaqaanaa,


 

Bakhayl Deeqsiya Jira:,Duunyada Haddu Dhaqo:

 

Docaad Kaga Timaadaba,Wuxun Baad Debna Gelin,


 

Fule Diriraba Jira:Dani Markay Timaado:Isgaa Dadkaba Jara,

 

Dawadaba Inbaa Sun Ah:Geermiskay La Dirirtaa.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...