Muuse Biixi Oo Tacsi Udiray Qoyska Uu Ka Baxay Suldaan Barre

0
Monday May 27, 2024 - 09:34:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Tacsi Udiray Qoyska Uu Ka Baxay Suldaan Barre

    TACSI MADAXWEYNE: 26/05/2024.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TACSI MADAXWEYNE: 26/05/2024.



INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, shacbiga reer Somaliland iyo bahda dhaqanka ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 26/05/2024, caasimada Somaliland ee Hargeysa.


Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Oday dhaqan oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda dhaqanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...