Cirro Waa Nin Macaano Colaad Aan Hurinaynin,Cadawna Aan Ka Cabsoon.

0
Sunday May 26, 2024 - 13:48:51 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 660
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Cirro Waa Nin Macaano Colaad Aan Hurinaynin,Cadawna Aan Ka Cabsoon.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]




Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

1-Cabiidulahi Alraxmaan,Cirro Weeyan Magaciisuyo,

Cadaawe Maha Shisheeye,Cududuun Wax Ku Doona,



 

2-Caqlibuu Ku Socdaayoo,Haddii Caadilku Keenana,

Caradanays Bedelayso,Cashiiradii Kala Guurtaa,


 

3-Ceeyoon Dhaw Isu Baaqiyo,Cirkaa Roobku Daroori,

Cagaarba Soo Bixi Doona,Caanaha La Wadaagiyo,


 

4-Cadaaladaad Tebeysaanba,Cisho Dhaw Lagu Ciidiyo,

Caalamkayna Aqoonsano,Cadawgeena Jabi Doonoo,


 

5-Calaacalkoodu Isqoorsan,Carruurta Ciidan U Ayiyo,

Cid Danbaan Ku Dhacaynin,Ciyaar Loola Yimaadoh,


 

6-Caalahaan Garanaynin,Ruuxa Caadil Yaqaanoon,

U Yaan Qof Cabsoodayo,Ka Cunaaya Xaqoodana,


 

7-Ciyaar Bay U Tumaano,Calan Bay Dulsudhaanoo,

Cisi Aanu Lahayn Bay,Caradoo Dhan Marshaan.


 

8-Ciil Sidawga Kortaan,Caalamkan Meel Ka Gashaan,

Cadaawad Maydin Iloobiyo,Cirro Maydin Ku Begsan.


Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...