17 jir iyo 70 jir Sheeko gaaban.

0
Sunday May 26, 2024 - 12:31:30 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 843
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 1
  • Share via Social Media

    17 jir iyo 70 jir Sheeko gaaban.

    Waxan ahaa gabadh yar oo 17 jir ah, markuu....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan ahaa gabadh yar oo 17 jir ah, markuu....



Waxay aaminsanayeen markay odaygan ii guuriyaan inay faqriga ka baxayaan, si ay uga baxaan faqriga , waxay aaminsanaayeen inay ka guurayaan halka ay deganaayeen, waxay aaminsanaayeen in carruurtayada oo dhan magaalada la keeni doono. Waxay aaminsanayeen inay daaro dhaadheer gali doonaan se ma dhicin halkay deganaayeenna kamay guurin noloshoodiina ismay beddelin. Iska daa inay is beddeshee waxay dhaxleen abaaro badan inay iskaga danbeeyaan oo xooluhuna ka madhaan.



Waxan ahaa gabadh yar oo 17 jir ah, markuu aabbahay ii guuriyey oday 70 jir ah oo wadkii dhale ah oo la yidhi, "Lacag buu leeyahay dibadahana wuu ka yimi.” Aabbahay waxa uu ahaa tuuladan yar een deggennahay odayaashooda. Hadalkiisa hadal kale lagama daba keeni jirin aad baa loo ixtiraami jiray waxan ahaa guri danbaystiisa. Maan haysan hooyo iga celisa oo ii diidda guurkan la igu qasbayo ee ah sidii aan ahay neef xoolo ah oo lagu beddelanayo shillimaad kooban. Waxan ahaa rajo anigoo yar ayey hooyaday geeriyootay walaalahayga iga waaweynaa oo wiilal u badnaana aabbahay ayey ku raaceen in odayga la i siiyo. Markasta hamigayga ugu weyni wuxuu ahaa, "Goormaad tegi magaalada la sheego ood wax ka baran?” Hammigaan lahaa waxaa humaag madow ka dhigay guur qasab ah oonan raali ka ahayn haabkiisana haynin. Guur aanan helin gayaankay oon gar u lahaa in aan haddii aan cid nolol la wadaagayo aan guursado wiil gayaankayga ah oonu dhib iyo dheefba wadaagno.


Haddii la ii guuriyey odaygii, guur shuruud la’aana galbiskayaguna dhacay. Saddex toddobaad kadib wuxu ku noqday dalkuu ka yimi, maan aqoon meel uu ka yimi. "Dibadda uun buu ka yimi oo waa Xaaji.”Ayaan maqlay. Aniga magaalada la sheego ayaa dibad ii ahayd weligayna maan arag maqal mooyee. Waanu kala nolol duwanayn odaygan awoowgay ka weyn. Waxan isku dayey in aan reerka ka baxsado se iimay suuroobin.


Saddexdaas toddobaad ee uu joogay waxay ii ahayd iyadoo naarta Jahanama aan ku dhex jiro, habeen kasta oohin ayey ii ahayd markasta waxan ku ooyi jiray "Hadday hooyadaa nooshahay maanta sidan maad noqoteen, hadday hooyadaa nooshahay maanta dhibi kumay soo gaadheen se qaddarta eebbe ayaa kaa horraysiiyey godka lagu jannee garab wayn bay ii ahaan lahayd.”


Waxan Alle ka baryey in odaygan Malagu mowdku u soo degdego. Muu dhimane waakaas 3 toddobaad ka dib tegay. Wuxu maqnaa saddex sano. Saddexdaas sano xasuustayda wuxuu i soo xidhiidhiyey saddex jeer waxabay ka dhigan tahay sannadkii hal mar in uu i soo xidhiidhinayey. Maan kala jeclayn xidhiidhintiisa iyo la hadalkiisa toona waaban ku faraxsanaa in uu iga maqnaado ama uu dhinto si aanu iigu soo noqon. Maan haysan alleenka gacantee aabbaa anigoo duleedka guriga ku eegaya adhi ii keenay jiray alleenka oo ila xidhiidhsiin jiray. Mooyi malaha wuxuu ku yidhi, "Saqiirtii yarayd aan la hadlee iigu dhiib.” Waxan is idhi waxa la xasuusiyey in uu xaas ku sheeg kaga yimi dalkii da’ uu igu xasuusto muu haysane, dhagtaa loogu sheegay baan is idhi! Imika waaba siddeetan 7 la’


Maalintii naskugu kaayo danbaysay xagga wada hadalkayagii, wuxu ii sheegay in aanu soo noqon karayn, waa qiyaastii markuu ogaaday in Malaku Mawdkii aan ku habaaray saddex sano ka hor u soo dhawyahay, ilayn "Nin wayni wadkii waa yaqaanaaye.” Wuxu igu yidhi warqaddaadii waan kuu soo dirayaa ee sidaas ula soco, intaas in ka badan waqti kaa lumin maayee.”


Marka horeba wuxu iga dhigay carmal xaas ah, "Godka lagugu madoobee dhe markaad dhimato.” Waxan ahaa gabadh yar oo uu ku xukumay jeel 3 sano ah. Maalintuu se hadalkaasi ka soo baxay waxan noqday in aan ka soo baxay jeelkii 3da sano aan ku xidhnaa,waxan i soo gashay saxansaxo udgoon oo neecow qabow wadata. Dadbaabuu u yahay oday dhaqmeed xeerka guurka iyo noloshaba wax ka yaqaanna intii 2 cumaamadood iyo laba macawisood oo aan is idhi huudhaydhkaa looga soo saaray huudhaydhka looga soo saaray uu isku istaago ayey dad soo horjoogsadaa. Sarajooga ku dhac dhe. Wuxu iga galabsaday habaaro aanay ayeeyadaydii afraad ku habaar tami jirin. Wuxu i dhaxal siiyey in aan noqdo islaan qumayo ah oo habaar uun la soo taagan.


Saddexdaas sano ka dib waxan soo gaadhay magaalada si aan uga raadiyo nolol ka duwan tan miyiga. Waxan filayey in ay i soo dhawaynayso nolosha magaaladu, se may noqon, inan yar oon haysan cid ay la noolaato cid tirsanaysa oo ka danbaysana aanay jirin inkastoo reerkayaga oo buuxa aan ka imi haddana waxba kamay jixan jixayn in aan joogo iyo in aan maqnaado . Markaan magalada imi waxan ku soo hagaagay gabadh eddo ahaan iigu toosan, gurigeeda waxan joogay ilaa 2 sano soo dhawayn fiican kalamaan kulmin waxan ahaa adeegto keliya. Dugsi la iguma darin haddiiba aan ka helay meel aan seexdo waxba igama maqna.


Nolosha waan arkay qadhaadh iyo macaan ka ay leedahay intaan noolaa mana rabo in aan ku sii lumiyo nolol dirqi ah oo la is qasbayo waayo waxay i dareensiisay gabadhaasi in aan gurigeeda sii joogin. Dumar aanu jaar ahayn oo aanu isku baranay booshari jaarka ahaa ayaan waydiiyey in ay u baahanyihiin shaqo iyo inkale hooyo Cibaado oo ahayd hooyo aad u qiime badan oo maqlaysay markaan dumarka u sheegayey baahida shaqo guri aan u qabo oo miisanaysa baradho ayaa i tidhi, "Aniga ayaa ku siin doona shaqo gurigayga ayaad joogaysaa ee aynu heshiinee barri galinka hore ii kaalay.”Farxad aan la qiyaasi karin baa i gashay oo aan u qaadan waayey. Degdeg baan ugu idhi "Haye habo khayr Alle ha ku siiyo waad iga farxisee.”


Gabadhii eddada ii ahayd ayaan la wadaagay in aan ka tagayo oonan intaas in ka badan la joogayn. Si aan khilaaf iyo isjiidjiid ku jirin baan iridda albaabkeeda uga soo baxay.


Waxan u tegay Habo Cibaado. Shaqadii gurigaan u bilaabay waxay iila dhaqantay sidii aan ahay inanteeda waxay taqaanay xuquuqda dadka gaar ahaan waxad moodaysay in ay uga soo baxday Jaamacad xuquuqda carruurta.


Waxay ii noqotay hooyo iyo aabbo, way i korisay waanay i kaalin galisay. Waxan ku noolahay gurigeeda mudoo 5 sano ah. Mudadaas "Hooyo” Waxaan ahayn imay odhan. Dadku ma moodaan inaan u ahay inan adeegto oo caawisa se waxay moodaan inay hooyo dhab ah ii tahay dadka qaarna waxay moodaan in aanu nahay dad qaraabo ahaan aad iskugu dhow. Nolol, farxad iyo degenaansho badani ku jirto ayaan ku noolahay. Waxay igu dartay dugsiga loogu talo galay dadka waaweyn iyo madarasad quraan si aan wax uga barto

Dhammaad

W.Q: Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...