Gar Dhamaatay Dabadeed,Gocashadu Ma Fiicno,Gunimaad Ka Dhaxasha.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Goluhu Goortu Furan Yahay,Gudbiso Tabashadaado,
Goaan Qaado Raganimoo,Halnabayuu Ku Gees Marin,
2-Garaayusna Waa Ceebeh,Goob Iyo Fardaar Weeye,
Godkaad Degayso Sii Hubi,Intaan Jare Ku Gawracin,
3-Guushna Laysma Siiyoo,Gaarna Ruux La May Dhalane,
Geedkaad Beerata Baad,Guudka Midhaaha Ka Gurataa,
4-Gargaar Miyaad Ka Sugaysaan,Gaasirahan Walaalkiis,
Goob Madhan Ku Dhaafee,Kaga Guuray Guri Madhan,
5-Gaawaha Waxaad U Culataa,Geel Kuu Dareerayood,
Godolkiisa Sugaysood Hubtana,Xiradu Gelayaaye,
6-Gabnaba Adiga Oon Dhaqan,Gorof Inaad U Tolataa,
Geed Sare Nin Waabay Iyo,Garaad Weeye Foorora.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!