Dawlada Maraykanka Oo War Ka Soo Saartay Amaanka Diyaaradaha Boeing 737

0
Tuesday March 12, 2019 - 08:23:27 in News by
  • Visits: 3040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Maraykanka Oo War Ka Soo Saartay Amaanka Diyaaradaha Boeing 737

    Dawlada Maraykanka Oo War Ka Soo Saartay Amaanka Diyaaradaha Boeing 737

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Maraykanka Oo War Ka Soo Saartay Amaanka Diyaaradaha Boeing 737

Maamulka Duulimaadyada Dawladda ee Maraykanka ayaa u sheegay shirkadaha diyaaradaha in ay rumeysan yihiin in diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 ay tahay diyaarad la isku haleyn karo ka dib markii laba diyaaradood oo noocaasi ah ay burbureen muddo lix bilood gudahood ah.




Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa axaddii la soo dhaafay burburtay lix daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof oo saarnayd.


Shilkaasi waxaa ka sii horreeyay shil kale oo ay ku dhinteen 189 qof oo rakaab ahayd oo saarnaa diyaaradda Lion Air 737 Max 8 oo burburtay bishii Oktoobar ee sanadkii hore.


Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa ku baaqay in diyaaradda in nooca Boeing 737 Max 8 la hakiyo isticmaalkeeda ilaa iyo inta baaritaan buuxa laga sameynayo.

Balse xalay ayuu maamulka duulimaadyada ee magaciisa loo soo gaabiyo FAA ayaa soo saaray warbixin uu ku shaacinayo in diyaaraddaasi tahay mid ammaan ah oo la isticmaali karayo.


Shiinaha, Indonesia, iyo Itoobiya ayaa isniintii dalbaday in shirkadahooda diyaaradaha ay joojiyaan isticmaalka diyaaraddaasi. Shirkadaha diyaaradaha ee waddamada Argentina, Mexico iyo Brazil ayaa sidoo kale hakiyay isticmaalka diyaaraddaasi Boeing 737 Max 8.


Hase yeeshee shirkado kale ayaa sii waday duulimaadyada diyaaraddan 737 Max 8 kadib markii shirkadda Boeing ay sheegtay in ay ammaan tahay.


Saamiyada shirkadda Boeing ayaa shalay oo Isniin ahayd hoos u dhacay 12.9% kadib markii uu shilku dhacay.


Wasiirka gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabo deg deg ah oo macquul ah haddii diyaaraddaasi lagu arko wax cillad ah oo sababaya in ay mar kastaa burburto.


Shirkadda samaysa diyaaradda Boeing ee dalka Maraykanka ayaa wajahaysay su'aalo badan oo la xiriira heerka badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya.


Duuliyihii kaxaynayay diyaaradda oo magaciisu yahay Yared Getachew ayaa la sheegay in sooyaalkiisa duulimaadka uu aad u fiicanyahay, islamarkaasna haysto 8 kun oo saacadood oo waayo aragnimo duulimaad ah.


737 Max-8 waa diyaarad ku cusub hawada, waxayna suuqa soo gashay sannadkii 2017-kii.


Tii shalay dhacday waxa ay ka mid ahayd 6 diyaaradood oo caynka ah oo shirkadda Ethiopian Airlines ay ka iibsatay shirkadda Boeing, balse dalabka waxa uu ahaa 30 xabbo, iyada oo kuwa kalena aanan weli lasoo gaarsiin shirkadda.


Shirkadda Boeing ayaa sheegtay in ay kaalmo farsamo u fidin doonto Itoobiya

.

Kadib shilkii dhacay bishii Oktoobar, baarayaasha waxa ay sheegeen in duuliyaha uu ku rafaaday sidii uu u xakamayn lahaa habka kaligiis is haga ee diyaaradda ay ku shaqayso, kaas oo shukaanta diyaaradda mararka qaar kala wareegi kara duuliyaha.


Mr Mary Schiavo oo horey uga tirsanaan jirey laanta duulista hawada sare ee Maraykanka ayaa Taleefishinka CNN u sheegay in waxa dhacay ay leeyihiin shaki badan. "Waxa aan halkan ku haynaa diyaarad jadiid ah oo markii labaad dhacday sannad gudihiis, taas waa in ay ka dhawaajisaa dawanada duulista hawada sare, sababtoo ah ma ahan wax iska caadi ah in ay dhacaan" ayuu yiri ninkan.


Kadib shilkii sannadkii hore, shirkadda Boeing ayaa wargalin u dirtay dhammaan shirkadaha diyaaradaha, waxa ay u sheegtay in ay dhibaato ka jirto barnaamijka casriga ah ee lagu shubey diyaaradda ee iskiis u shaqeeya.


Andrew Blacke oo horey u ahaan jirey duuliye ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in habka cusub laga yaabo in aanan si wanaagsan loogu sharixin shaqaalaha qaabka uu u shaqeeyo, taasna ay horseedday shilka. Balse waxa uu sheegay in ay wax iska caadi tahay in shilal badan ay dhacaan marka nooc cusub oo diyaarad ah ay suuqa soo gasho.


Baaritaanka lagu hayo shilkii shalay dhacay wuxuu marayaa xilli hore, mana cadda sababta ka dambeysay, iyada oo baarayaasha ay sheegayaan in gef ka dhacay bini'aadamka iyo ciladdo kale aanan meesha laga saari karin.




Source:-BBCsomali

Loading...
Loading...