Madaxweynaha Puntland Oo Amray In Qaybo Ka Mid Ah Gaalkacayo Laga Horjoogsado Raysal Wasaare Khayre

0
Saturday July 13, 2019 - 20:12:21 in News by
  • Visits: 3266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Amray In Qaybo Ka Mid Ah Gaalkacayo Laga Horjoogsado Raysal Wasaare Khayre

    Madaxweynaha Puntland Oo Amray In Qaybo Ka Mid Ah Gaalkacayo Laga Horjoogsado Raysal Wasaare Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Oo Amray In Qaybo Ka Mid Ah Gaalkacayo Laga Horjoogsado Raysal Wasaare Khayre

a

Garoowe(HWN):-Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu ka hor istaagay Wafdigii uu hogaaminayay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya in ay booqdaan xarumo iyo goobo kale oo kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.




Kheyre iyo wafdigiisa oo Arbacadii tagay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa qorsheenayay in ay tagaan goobo kala duwan , hasa ahaatee amar kasoo baxay Madaxweyne Deni ayaa keentay in wafdiga loo diido in ay booqdaan goobaha ay qorsheesteen.


Goobaha ay doonayeen in ay booqdaan Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socday ayaa waxaa kamid ahaa Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo, Qabuuraha uu ku aasan yahay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf iyo goobo kale.


Maamulka Garawe ayaa sidoo kale arbacadii isku dayay in Ra’isul Wasaare Kheyre ka hor istaagaan in uu yimaado Waqooyiga Gaalkacyo, hasa ahaatee isku daygaasi ayaa fashilmay Ra’isul Wasaaraha ayaana halkaasi tagay si diirana loogu soo dhaweeyay.


Siyaasiyiin , Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa ka xumaaday hab dhaqanka maamulka Saciid Deni, waxa ayna nasiib daro iyo siyaasad xumo ku tilmaameen in Ra’isul Wasaarihii dalka loo diido in uu Joogo Waqooyiga Gaalkacyo sidoo kale booqdo xarumo kuyaala magaaladaasi.

 

Loading...
Loading...