Tirada Dad Ajaanib Ah Oo Ku Dhintay Weerarkii Hotel-ka Kismaayo Oo Madaxweyne Axmed Madoobe Shaaciyey.

0
Saturday July 13, 2019 - 20:00:45 in News by
  • Visits: 2672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dad Ajaanib Ah Oo Ku Dhintay Weerarkii Hotel-ka Kismaayo Oo Madaxweyne Axmed Madoobe Shaaciyey.

    Tirada Dad Ajaanib Ah Oo Ku Dhintay Weerarkii Hotel-ka Kismaayo Oo Madaxweyne Axmed Madoobe Shaaciyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada Dad Ajaanib Ah Oo Ku Dhintay Weerarkii Hotel-ka Kismaayo Oo Madaxweyne Axmed Madoobe Shaaciyey.


Kismaayo(HWN):-Madaxweynaha maamulka Jubboland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa ku dhawaaqay dalalka ay ka soo jeedaan dad ajaanib ah oo ku dhintay weerar lagu qaaday Hotel ku yaala magaalada Kismaayo.

Related image


Madaxweyne Axmed Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in dad gaadhaya 26 qof ay ku dhinteen weerarka ka dhacay Hotel Cas Caseey ee magaalada Kismaayo isaga oo xusay in 10 qof oo ka mid ahi ay yihiin dad ajaanib ah oo sitay dhalashada wadamo kale.


Tobanka qof ee sitay dhalashada wadamo Kale ayuu madaxweyne Axmed Madoobe sheegay inay ka soo kala jeedeen dalalka kala ah Kenyan oo ay sadex qof ka soo jeedeen, hal qof oo Canada u dhashay, hal qof oo UK u dhashay, laba qof oo USA u dhashay iyo sadex qof oo Tanzania u dhashay.


Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dad gaadhay 56 qof oo ay ku jiraan dad ajaanib ahi ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday Hotel-ka Kismaayo ku yaala.


Soomaalida haysata dhalashada dalalka shisheeye ee qurbaha ka timid ayaa wakhtigan si weyn u joogta magaalada Kismaayo oo la filayo in doorasho ka qabsoonto.


Loading...
Loading...