Dhawaaqaan Maqlayaa Dhab Miyaa,Dhalanted Dhidaru Onkod Toos-Shay,

0
Thursday May 23, 2024 - 09:53:45 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhawaaqaan Maqlayaa Dhab Miyaa,Dhalanted Dhidaru Onkod Toos-Shay,

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Dhoohanow Ina Geeleh,Dhamac Baad Ku Ciyaartayo,

 

Dhabta Saartay Gurguurto,Dhulkagii Cadaw Haysta,



 

U Dheelaaya Siyaasadu,Dhabarka Kaa Jebinaayaanad,

 

Dhawaaq Juuq Odhanaynin,Dhibto Goortay Timaado.


 

Dhawaan Baadse U Aayiye,Dheguhuyayna Ku Qaylin,

 

Dhaadi Maysid Malaayo,Dhulkaba Waanad Lahayne,


 

Canfartii U Dhashay,Dhaqsoba Way Ku Hayaano,

 

Dhegdheer Way Ka Xorayn,Dharaaraan Siiba Fogayn,


 

Dhukusaga Gurguurte,Ha Kuu Dhoola Cadeeyoo,

 

Dhabka Mood Qoso0lkiisa,Dhiigaagu Jaqayaayoo,


 

Dhawaanbu Kaa Tegayaa,Markuu Tiisa Dhamaysto,

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...