{Faa,iidooyinka Dhoola cadaynta}

0
Wednesday May 22, 2024 - 10:50:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 448
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 1
  • Share via Social Media

    {Faa,iidooyinka Dhoola cadaynta}

    Dhoola cadayntu maah un inaad afka kala qado ee waa inay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhoola cadayntu maah un inaad afka kala qado ee waa inay..



Dhoola cadayntu waa iftiinka wajiga waana tilmaan ka marag kacaysa farxad furfurnan qurux iyo soo dhawayn sidoo kale daganaan iyo inaad tahay qof lagu so hiran karo ayay cadaysa.


Dhoola cadayntu maah un inaad afka kala qado ee waa inay qalbiga ka so go,do deetana aad foolkaaga ka muujisa waana awood kamida awoodaha dunida uga cajiibsan xili kastana waxaa haboon inaad ku sifowdo hadii ad murugaysanyahay xitaa isku day nacab iyo gacalba inaad u muujiso.



■Dhoola cadaynta waxaa laga helaa ajar oo waa sadaqo sida uu Rasuulka alle nnkh inoo sheegay ama ina amray:


" لا تَحقِرَنَّ مِنَ المَعْرُوف شَيْئًا، وَلَو أنْ تَلقَى أخَاكَ بوجهٍ طليقٍ"


(Ha xaqirin oo ha yaraysan shay wanaaga ka mid ah Haba ahaato inaad ruuxa walalkaa ah ama muslimka ah aad u muujiso ama kula kulanto waji furfuran)


■waxay daawo ka tahay dhamaan murugooyinka iyo culaysyada qalbi ahaaned marka aad dhoola cadayso muruqyada wajigaaga iyo guud aah jirkagu way dabcayan maskaxdaduna way dagaysa xitaa adiga oo caro bastaa la ah abni nafsi ah ayaad helaysa.


■ Dadka aya kugu jelaanaya: oo bulshada aad ku dhex nooshahay hadii aad farxad iyo furfurnan kula joogto waxad hananaysa qalbiyadoo markaasna si fudud ayaad aragtiyahaga uga gadi karta.


"Dadku hadii ay ku jeclaadan sharkooda ayad ka nabad galaysa hadii sharkooda ka nabad gashana danahaaga ayaad si dhibyar u fushanaysa"


■Dhoola cadayntu waa hub: waxaad ku qarsanaysa dareenaada gaarka ah iyo dhaawacyada kuso gaara mudada ad dunida dhex tamashlaynaysid waxay dilku ku tahay cid walba oo jecel jabgaaga iyo inaad mar walba murugooto waana dhiirigalin aad aad naftada adigu usamaynaysid.


waxaan kuu rajaynaya inaad marwalba ahaato mid faraxsan dadkana farxad galiya.


✍️Cabdullahi Saciid Salaad Caalamiin

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...