Muuse Biixi Oo Ku Hungoobay Kulan Uu La Yeeshay Beesha Ciise Muuse.
"Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili shalay ay siyaasiyiin ka tirsan Beesha Ciise ..."
Hargaysa (HWN) Sida ilo ka agdhow shirka Madaxweynaha sheegen waxa Madaxweynuhu u sheegay guddiga Beesha inuu sharaxan yahay balse waxa Guddigu hordhigtay garnaqsi khuseeya saamigoodii xukuumada, iyo hirgalinta mashaariic horumarineed ee deeganadoodu xaqa u lahaayen in laga hirgaliyo.
Guddigu waxay ku wargeliyeen inaanay codka Beeshooda iyagu hayn ee Qof walbaba codkiisa u Madaxbanaan yahay islamarkaana uu iyaga waydiisto codkooda oo iyagu qiimeeyan inuu u qalmo in mar labbad codsiyan iyo in kale.
Guddigu waxay si cad ugu sheegen Muuse inuu Hagraday Deegankooda iyo beeshoodaba islamarkaana aanu Dadkooda iyo deegankoodaba aanu waxba tarin 7 sanno oo xafiiska joogay.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili shalay ay siyaasiyiin ka tirsan Beesha Ciise Muuse ay shaaciyeen inay dhisayaan Musharax Ciro.
Loading...
Loading...