Afar Qof Oo Isku Qays ah Oo Lagu Dhaawacay Muran ka Dhashay Dhulbeereed ku Yaala Boorama.
Murankan khasaaraha sababay ee salka ku hayay dhulbeereedka ayaa la sheegay inuu mudo soo jiitamayay, waxaana saaka barqo-nimadii la weeraray qoyska ilmo Daahir Cumar Dibiile oo ka mid ahaa labadii xaafadood ee muranku ka dhexeeyay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay laba nin iyo labadoodii xaas oo iyagu kuwada sugnaa guriga.
Dhaawacan ayaa laba qof ay halis yihiin, halka laba kale ay ka qabaan dhaawac sahlan sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee cisbitaalka Boorama oo ka gaabsatay inay faahfaahin dheeraad ah bixiyaan.
Dhinaca kale Cabdixakiin Maxamed Daahir oo kasoo jeeda qoysta dhibta loo gaystay ayaa shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyay inay saaka gurigooda soo weerareen qoyska Suldaan Xasan xadi Baade waa sida uu hadalka u dhigaye, kuwaas oo uu sheegay inay rasaas ku fureen qoyska kadibna ay goobta ka baxsadeen.
Cabdikariin ayaa laamaha amniga dusha ka saaray eedayn waxan uu sheegay in ay dayacaad sameeyeen, goobtaas uu weerarku ka dhacayna ay isaga soo laabteen, iyada oo ay wali qoyan tahay raadkii muranka ahaa ee markii horaba goobtaas loo geeyay.
Ciidamada Booliiska iyo odayaal uu horkacayo Suldaan XasanXadi Baade ayaa raacdo ugu jira soo xidhxidhida cida falkan gaystay.
Hadhwanaagnews
Boorama/Office.