Xukuumada Muuse Oo Ku Xidhay Boorama Siyaasi Ku Biiray Xisbiga Waddani

0
Monday May 20, 2024 - 14:00:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Oo Ku Xidhay Boorama Siyaasi Ku Biiray Xisbiga Waddani

    "Waxana la sheegay in amarka lagu xidhay siyasiga uu bixiyay ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxana la sheegay in amarka lagu xidhay siyasiga uu bixiyay ..."


Hargaysa (HWN) Magaalada Boorama ayaa maanta lagu xidhay  Cabdiqaadir Boqorka oo kamid ah siyaasiyiinta Gobolka Awldal, gaar ahaan degmada Boorama.



Xadhiga siyaasiga ayaa kadambeeyay kadib markii siyaasigu uu shaaciyay in uu ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.


Kubiiristiisa xisbiga Waddani ayaa ka dambaysay kadib markii siyaasigan caaqilkiisa lagu daray odayaal lagu xidhay Boorama, kadib markii xukuumada Muuse Biixi ka xanaaqday lacag ay ka gudoomeen xisbiga Waddani oo loogu talagalay in jiingada lagu saaro iskuul Roob ka da'ay gobolka Awdal uu ka qaaday jiingada oo ku yaal degmada Qul-jeed. 


Waxana la sheegay in amarka lagu xidhay siyasiga uu bixiyay badhasaabka Gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi oo dhibsaday hadalkaasi.


Wararka ayaa sheegaaya in markii la qabanaayay ciidamadu u gaysteen jidh-dil, waxana ilaa hada la laayahay goobta ay ku xidheen ciidanku.
Loading...
Loading...