Madaxweynaha Al-Jeeriya Oo Go'aan Ka Gaadhay Murashaxnimadii Uu Hore Ugu Dhawaaqay

0
Tuesday March 12, 2019 - 08:19:19 in News by
  • Visits: 1562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Al-Jeeriya Oo Go'aan Ka Gaadhay Murashaxnimadii Uu Hore Ugu Dhawaaqay

    Madaxweynaha Al-Jeeriya Oo Go'aan Ka Gaadhay Murashaxnimadii Uu Hore Ugu Dhawaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Al-Jeeriya Oo Go'aan Ka Gaadhay Murashaxnimadii Uu Hore Ugu Dhawaaqay

Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika oo talada dalkaasi muddo 20 sano ah hayay ayaa joojiyay go'aankii ahaa in uu yahay musharax madaxweyne, doorashada dalkaasi lagu wado in ay ka dhacdo 18-ka bisha April ee foodda inagu soo haysa.




Waxa uuna sheegay in uusan markale u tartami doonin jagada madaxweynaha ee dalka Algeria. Musharaxnimada Bouteflika ayaa sababtay in Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay dalkaasi ka dhacaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo hor jeeday go'aankiisa.


''Ma jiri doonto ogololaanshaha musharax nimo ee markii shanaad'', waa qaar ka mid ah haddalladii madaxweyne Bouteflika oo lagu daabacay warbixin qoraal ah, maalin uun kadib markii uu ka soo laabtay isbitaal ku yaalla magaalada Geneva ee dalka swisserland.


Madaxweynaha ayaa warqadda musharxnimadiiisa gudbiyay biloowgii bishii Febraayo ee aanu soo dhaafnay, taas oo sababtay in dalka ay ka biloowdaan dibadbaxyo Xooggan. Kadib markii uu arkay saameynta dibadbaxyaadaasi ay dalka ku yeesheen ayuu 82 jirkaan bilaabay in uu soo saaro warbixintaan.


Hadalkaasi ka soo yeeray madaxweynaha ayaa farxad galiyay dad badan oo wadooyinka isugu so baxay waxaana dadkaasi ka mid ah haweeyneey lagu magacaabo asma oo sheegtay in weli isbedel badan loo baahanyahay waxa ayna wacad ku martay in sii wadi doonto dibad baxayada looga soo horjeedo xukuumadda.


Haseyeeshe madxweynaha ayaa sidoo kale warbixnta ku sheegay in aysan dhici doonin doorashada loo asteeyay in ay dalkaasi ka dhacdo 18-ka April.

Waxaa uu sheegay in la qaban doono shir qaran sidoo kalana la soo dhisi doono guddi doorasho oo madax banaan, kadibna isbedel dhanka sharciga ah la soo gudbin doono si afti loogu qaado.


Waxaana markaa kadib la shaacin doonaa taariikhda doorahshada ay dhacayso, intaa wixii ka horreeyana waxaa talada dalka sii hayn doona madaxweyne Bouteflika.


Balse tobanaanka kun ee reer Algeria ee ku dibad-baxayay waddooyinka dalkaasi ayaa waxaa ugu dambeeyn u furmay bog cusub.



BBCsomali
Loading...
Loading...