Farmaajo Oo Khatar Ku Tilmaamay Go'aamo Ka Soo Baxay Shir Xasan Sheekh Ka Qayb Galay

0
Sunday May 19, 2024 - 11:50:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Khatar Ku Tilmaamay Go'aamo Ka Soo Baxay Shir Xasan Sheekh Ka Qayb Galay

    WARSAXAAFADEED

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WARSAXAAFADEED


Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka.


1. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland:

Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go'aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha.

2. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa:

Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay'adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay'adaha Federaalka.

3. Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada:

 In laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan, waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

4. Heshiisyada Hore ee aan Dastuuriga ahayn:

Waxaa la yaab ah in heshiisyadii hore oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska indho tirayo. 
5. Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod:

Waxaan si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran. Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo.

Dhammaan siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynaynaa in ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay'adaha dowladda, loogana hortagi lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.


DHAMMAAD
Loading...
Loading...