Koriweyday Somalilantaynu Kohanay Muusow,Kob Cagaaran Muu Furin Kulmiyahi Koorta Loo Sudhay.

0
Sunday May 19, 2024 - 10:49:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koriweyday Somalilantaynu Kohanay Muusow,Kob Cagaaran Muu Furin Kulmiyahi Koorta Loo Sudhay.

    Kobtu Daahir Kaga Tegay,Ayay Kuududa Weli,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kobtu Daahir Kaga Tegay,Ayay Kuududa Weli,



Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

Kobtu Daahir Kaga Tegay,Ayay Kuududa Weli,

 

Kaba Darane Koox Koox,Ayaa Kaalintii Galay,



 

 

Kala Guurtayo Waxa Ka Goay,Kaabahii Bariga,

 

Kaadidoda Kuwii Soo Cabee,Lagu Karaameyay,


 

 

Kaalintood Gabe Odayadii,Loo Kaltirinaayay,

 

Kayn Cagaara May Furin,Hashi Kuman Uhoyden,


 

 

Kala Dheeri Iyo Kaaf,Hadday Kaadsigaba Diiday,

 

Kala Dirana Kooskan Lahayn,Waydin Soo Kaban,


 

 

Kibirbu Ka Qaada Kii Koraayu,Nagu Kadeedaaye,

 

Kula Karis Xun Iyo Kaayahed,Koonbada U Dara,


 

 

Kalkan Yaan Ku Aamini Karaa,Waa Kud Iyo Kaare,

 

Kursigaba Ma Laabnaa Haddii,Lagu Kashbaxayo,


 

 

Kuligeedba Soomaalidaanu,Kaafiyayn Qarane,

Kala Guur Adunyadan Ahe,Kawnka Ku Colowday,


 

Kufariyo Islaam Kala Baxde,Kodadii Guud Taagan,

 

Kol Haddan Koriin Laga Sugayn,Kaba Dar Mooyane,


 

 

Kaftan Dhaaftay Maanto,Runtaa Kaamil Kuu Timide,

 

Kiilnaba Kuwaan Ku Gelayn,Kaalintana Buuxshay,


 

 

Koolkoolin Been Been Ahoon,Kadinkan Gaadhaynin,

 

Koob Biyoodna Kuu Soo Shubayn,Kuguna Doodaaya,


 

 

Kaalayaay Kolkuu Yidhi Kulmiye,Kaadhkiibu Gubaye,

 

Kaydkaad Dhigteen Waan Helayo,Kaahinow Aragnay,


 

Kala Hadhise Mayso Somaliduyo,Kaarku Wada Gaadh,

 

Kolbay Wada Dumaysa Dhamaan,Karis Xumaanteeda,


 

Kurbo Iguma Hayso,Kol Horaan,Kala Huleel Qaatay.

 

Kariimow Allahayoow Adigu,Kadin San Noo Sii Fur.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...