Casuumad Siyaasadeed,Xoolaha Caydha Lagu Cunaayo.Cadaaba Lagu Mudanayaa.

0
Saturday May 18, 2024 - 11:44:27 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Casuumad Siyaasadeed,Xoolaha Caydha Lagu Cunaayo.Cadaaba Lagu Mudanayaa.

    Casarka Kuwa Seexda Iyo,Cirteeda Bogatada Haweenka,..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Casarka Kuwa Seexda Iyo,Cirteeda Bogatada Haweenka,..



Cuud Badan Inagon Lahayn,Cashuurta Caana Diiqdu Bixiso,

 

Casuumad Kumaydaan Cunteen,Haddaad Caqli Leedahiino,


 

 

Ceeb Baydaan Ka Cabsoonahayn,Ciidankiyo Caydha Mudnaayo,

 

Cadaawaa Ku Beegsanlaayo,Caruurtooda Cashayn Lahaydba.



 

 

Caloolaha Markaad Buuxsataan,Ciyaariyo Gala Mashxarad,

 

Cilmigaa Lagu Meel Maraaye,Caways Dawladnimo Ma Keeno,


 

 

Casarka Kuwa Seexda Iyo,Cirteeda Bogatada Haweenka,

 

Calooshii La Ciyaar Ragana,Ciil Aan Weligood Ka Korin.


 

 

Wixiiba Waydinkaas Cunaye,Casuumad Ku Dhamaynayee,

 

Caynkanaa Wax U Boobaysaan,Caruurta Maxa U Hadhi,


 

 

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...