Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo Keentay Qalabka Lagu Baadho Ciladaha Gaadiidka SAWIRO

0
Saturday July 13, 2019 - 16:32:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo Keentay Qalabka Lagu Baadho Ciladaha Gaadiidka SAWIRO

    Hargaysa (HWN) Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa soo bandhigtay qalabka baadhitaanka ciladaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa soo bandhigtay qalabka baadhitaanka ciladaha

gaadiidk lagu ogaan karo, waxaana qalabkaasi sida uu u shaqaynaayo ka warbixiyeey Agaasimaha Waaxda Gaaadiidka Muse Yuusuf Ibraahim oo yidhi: " maanta waxa aynu u fadhinaa daah-furka mishiinkan baadhitaanku oo runtii inoo sahlaaya in aynu ogaano ciladaha gaadiidka dawladda, oo runtii markii hore loo tagijiray geerashyo gaar ah”.

 Image may contain: phone

Agaasimaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Jamarti Axmed Xasan, ayaa sheegay in ay gaadhi kasta oo cusub soo marin doonaan Wasaaradda Gaadiidka maadama oo ay yeelatay qalabkii lagu hubinaayey gaadiidka iyo bidqabkiisa, waxaana hadlkiisa ka mid ahaa " waa markii ugu horaysay ee Wasaaradda Gaadiidku qalabkan ay keento, ka guddi ahaan gaadiid kasta oo Qaranka aanu u iibinayno waxaanu u diri jirnay geerashyo qalabkan haysta oo gaar loo leeyahay, laakiin iminka waxaanu soo marindoonaa gaadhi kasta oo cusub Wasaaradda gaadiidka”.

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cumar C/laahi Aadan ayaa isna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin qalabkan cusub ee baadhitaanada ciladaha gaadiidka lagu hubiyo, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:- " ciladii gaadhiga been kamasheegayo ee sideeda ayuu u sheegayaa, markaa in aynu ka faaiidaysano cilmiyan, alle waa nagu guuleeyay”.


Image may contain: 4 people, people standing and indoorImage may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, smiling

Image may contain: 1 person, closeup

Loading...
Loading...