Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Xiliga la Qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dalka.

0
Wednesday May 15, 2024 - 16:28:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Xiliga la Qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dalka.

    "waxa aanu sameynay dib u sixid iyo in aanu wakhtiga imtixaanka dib u eegno"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa aanu sameynay dib u sixid iyo in aanu wakhtiga imtixaanka dib u eegno"


Hargeysa -  Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa shaacisay xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare iyo hoose dhexe ee dalka.

Masuuliyiinta  Wasaaradda ayaa sheegay in Imtixaanka fasallada afraad ee dugsiga sare iyo sideedaad ee hoose dhexe la geli doono 22/6/2024, ee sanadkan.
Sidoo kale masuuliyiintu waxay fareen dhammaan ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo maamulayaasha Iskuuladda inay u diyaar garoobaan waqtiga kooban ee ka hadhsan qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka afraad ee dugsiga sare iyo ka sideedaad ee hoose dhexe, waxaaney tilmaameen in ilaalinta imtixaanaadka sannadkan lagu soo kordhiyay macalimiinta Jaamacadaha.


Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ardayda imtixaanka galeysa faray inay ka dheeraadaan in ay imtixaanka ku galaan qish, waxaanu ku waaniyay inay ka waantoobaan, guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray in imtixaanka loogu soo diyaargaroobo sifiican, isaga oo hoosta ka xariiqay in la rabo in Somaliland sidii ay u hoggaamin jirtay wadamada bariga Afrika xagga imtixaanaadka in imikana ay u hoggaamisoi.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Mudane Axmed Aadan Buuxane, ayaa warbaahinta la wadaagey wakhtiga rasmiga ah ee la galayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sarre iyo hoose dhexe.

Waxaanu yidhi. "Markii aanu la tashanay masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka Qaranka, waxa aanu sameynay dib u sixid iyo in aanu wakhtiga imtixaanka dib u eegno, waxaanu isla garaney in wakhtiga ugu haboon ee imtixaanka la galaya uu noqdo 22/6/2024-ka, kuna beegan maalin Sabtiya, haddii ALLE yidhaahdo, kaas oo socon doona muddo 6 cisho ah”
Loading...
Loading...