Wasiir Buuni Oo Ujawaabay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani.

0
Wednesday May 15, 2024 - 15:41:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Buuni Oo Ujawaabay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani.

    "Hadaba Khadaraw doorashada Madaxtooyadu maahan oo kaliya Madaxweyne Muuse iyo Cirro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadaba Khadaraw doorashada Madaxtooyadu maahan oo kaliya Madaxweyne Muuse iyo Cirro"



Hargaysa (HWN) Wasiir Buuni ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, hadalkaasi oo uu xoghayuhu isku waydiiyay waxyaabaha Muuse Biixi shacabku ku dooran karaan.


Buuni oo hadalkaasi ka jawaabaya ayaa yidhi :-

" Xoghaye Khadaraw waxa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shacabku ku dooranayaa waa difaaca qaranimada Somaliland adna waxa aad wadaa Murashax Cabdiraxman Ciro oo dadka hor keenay Cabdirisaaq Khaliif oo yidhi waligay Somaliland Maan Aaminin .

Hadaba Khadaraw doorashada Madaxtooyadu maahan oo kaliya Madaxweyne Muuse iyo Cirro ayaa la kala dooranayaa ee waa Afti shacab oo ah Jamhuuriyada Somaliland wey jirtaa iyo ma jirto ." Wasiir Buuni.


Xisbiga Mucaaradka ayaa ku soo celi celiyay Jabkii ciidanka Somaliland ka soo gaadhay Laascanood, iyagoo guul darada ciidamada dusha usaaray Muuse Biixi Cabdi.
Loading...
Loading...