Soomalilaand Baan Jirayn,Sool Intay Maqantay. {No Somalilad Without Sool}

0
Wednesday May 15, 2024 - 10:39:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomalilaand Baan Jirayn,Sool Intay Maqantay. {No Somalilad Without Sool}

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}



 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Somalilaan Baan Dhamayn,Sool Intay Maqan Tahay,

 

Santaageeniba Reerkii Isaaqa,Saaka Soconwaayey,



 

Suurobiweyday Sidii Aad Rabteene,Suudh U Tolaten,

 

Sinaanta Iyo Xaqsoorku Dadkuba,Samo Ku Gaadhan,


 

Sadka Maqan Alla Laga Sugaa,Samir Ma Duugoobo,

 

Sankaaga Buro Ku Taal,Lama Jaro Waad Ku Sigataa,


 

Sasabiyo Samaala Ka Wacan,Seef La Boodnimadah,

 

Sandulayn Siyaad Nagaga Filan,Siisku Noo Dhigaye,


 

Sidan Dawlanimo Laguma Dhaqee,Seegte Markeedah,

 

Salkaa Loo Dhigaayoo,Xumaha Waa Laga Sariigtaaye,


 

Sad Qaybsiga Haddii Aad Saxdaan,Sool Ma Durugten,

 

Saluugay Qabeenba La Tegayooy,Sibiq Dhaqaaqeene,


 

Salkoo Loo Dhigiyo Waxay Ahayd,Qaran Sabaalayne,

 

Siyaasada Guracan Baan Aqoon,Sii Kan Cabanaayah,


 

Sadbursiimo Doonba,Iblays Goortuun Noo Sudhane,

 

Soomaliduna Way Wada Qabtaa,Silic Maryaadkaase,


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...