Muxuu Yahay Warka Somaliya Masaxday Ee Ku Saabsan Hogaamiyaha SSC Khaatumo?

0
Wednesday May 15, 2024 - 08:28:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Warka Somaliya Masaxday Ee Ku Saabsan Hogaamiyaha SSC Khaatumo?

    '' Hogaamiyaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'' Hogaamiyaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ..."





Magaalada Muqdisho waxa tagay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye.



Firdhiye ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aden Cabdulle, waxana dadka soo dhaweeyay kamid ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Cabdillaahi Bidhaan Warsame iyo Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Cabdillaahi Xirsi Timacade.


Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Dawladda Federaalka ayaa lagu yiri ‘’ Hogaamiyaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ayaa u yimid caasimadda dalka howlo shaqo.’’


Dood badan ayaa ka dhalatay qoraal markii hore la soo dhigay barta Facebook ee wasaaradda oo lagu qoray sidan ‘’Hogaamiyaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ayaa u yimid caasimadda dalka kaqeybgalka shirka Madasha Wadatashiga Qaran’’ qoraalkaas oo markii dambe laga saaray barta Facebook ee wasaaradda.


Xiriir aan la sameynay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda ayaa BBC-da u sheegay in si khalad ah qoraalka loo dhigay barta Facebook ee wasaaradda, markii dambena la saxay.


Muqdisho waxa jooga inta madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, waxana lagu wadaa in uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo baaqday bishii April.


BBC
Loading...
Loading...