Fahanka Dumarka........

0
Monday May 13, 2024 - 12:46:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahanka Dumarka........

    Tusaale ahaan ninka soomaaliga ah haddii xaaskiisa ama gabadha....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tusaale ahaan ninka soomaaliga ah haddii xaaskiisa ama gabadha....


Mawduucyada ugu badan ee ragga iyo dumarka soomaaliyeed ay ku dhiban yihiin waxaa ka mid ah is fahamka gaar ahaan raggu waxay kusii dhiban yihiin fahamka dumarka,ani ahaan waxa aan ka marag ahay in rag badan ay mawduucaan ku dhiban yihiin sidaas oo ay tahay aysan xog badan ka raadin ama aysan ka jaahil bixin taas oo sababtay in ay weligood la noolaadaan.


Is fahanku waa mawduuc muhiim ka ah bulshada dhexdeeda una haaban in laga haqabtiro,labada lammaane haddii aysan is fahmin si xassiloon kuma wada joogi karaan,ganacsadaha iyo macmiilka haddii aanay Is fahmin si habboon oma wada shaqaynayaan,ardayga iyo macalinku is fahan kama maarmaan.

Tusaale ahaan ninka soomaaliga ah haddii xaaskiisa ama gabadha ay haasaawaha wadaagaan ay ku tidhaahdo"waa xanuunsanahay" waxaa laga yaabaa ninku inuu iska yidhaahdo "wax weyn maahan" ama wax la mid ah ; laakiin dhanka fahanka haddii la eego waxaa laga yaabaa gabadhaas inay rabto ama ay ku filan tahay keliya inuu ku dhaho "xagee lagaa hayaa,maxaa kugu dhacay,maxaan kuu sameeyaa iwm.
In-ragoow saaxiib cillada ugu weyn ee dhanka la dhaqanka dumarka kaa haysataahi waa fahan la'aanta ee ku dadaal inaad qofta dumarka aad u fahanto sida ugu sahlan xitaa adiga oo waqti ku bixinaya inaad ka sal gaarto qaab fahankeeda.

is fahanku waa muhuum gaar ahaan fahanka dumarku waa sii muhiim,fahanka xaaskaaga ayaa kasii muhiimsan.

W/Q Ahmed Qasaali
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...