HADALKA HA DHEX GELIN

0
Monday May 13, 2024 - 12:45:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADALKA HA DHEX GELIN

    ku mashquula ku ciyaaridda qalmaanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ku mashquula ku ciyaaridda qalmaanta.


Dib isugu laabo, nafsaddaada caado ma uga dhigi kartaa inay dulqaadato?.
Naftaada ma maareysaa marka aad dadka la sheekeysaneyso?.
Marka dooduhu socdaan waxaa jira kuwa.


ku mashquula ku ciyaaridda qalmaanta.
Kuwa eega bididx iyo midig.
Qaar wajiga kaduuda caro uu uqabo hadalka socda awgeed.
Marka waa su'aale:

Adiga noocyadaas maka mid tahay?
Maku qanacsantahay inaad ka mid noqotid?
Ma jeceshahay in qofka kula doodayo uu noocaas noqdo?

Wey i deeqi doontaa jawaabtaadaa sikastaba..... ee sidoo kale maanka ku haay in hadalka oo la dhex galo ama la kala jaraa aanay ku koobneyn- inaad aamusiso saaxiibkaa oo adiga hadalka aad qaadatid, aamusnaantaada, ama xaalkaaga oo u e kaado ee kuwa aan kor kusoo xusnay ayaa nafsaddiisaba ah hadalka oo la dhex galo......
Hadalka qofka kula doodayo oo aad siwacan u dhegeysataa waxa uu kuu leeyahay faa'iido, sababtoo ah isla macaamilkaas buu isna kugula dhaqmi doonaa.

Dele Karnegie waxa uu yiri: hadii aad jeceshahay inay dadka kugu xeeran ay kugu jeesjeesaan marka aad ka tagtid, aan ku siiyo sidii aad taas ku kasban laheyd: (cidna ha u ogolaan fursad ay ku hadasho, hadalkaaga hasoo gunaanadin, iyada oo uuhadlayo hadii ay fikrad kugu soo dhacdo, haka sugin inta uu hadalka ka idleysanayo, oo u arag inuu yahay nacas, aan ku gaarin, aanna uqalmin in hadalkiisa la dhugsado hadalka ka kala jar, ee dhexda ka gal hadalkiisa).

Waxaa caro badan iyo naceyb kuu abuuri kara:

Inaad dadka uga hadasho wax yaabaha adiga kuu gaarka ah, ama aad mar walba danahaaga uun cabashadooda aad wadid, waxaase kasii daran taas inay kugu filnaanweyso hadalkii aad dadka ka kala goysay, oo aad dheeri usii raacsiisid amaanta naftaada sidaasna ay dadku kuugu dareemaan nin daneeya arimihiisa gaarka u ah, ee aan daneynin afkaarta dadka kale ee uub la noolyahay.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...