Falastiin way xoroobi doontaa idanka Rabbi

0
Sunday May 12, 2024 - 10:09:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falastiin way xoroobi doontaa idanka Rabbi

    Nabad, jacayl, deggenaansho, bashbash, barwaaqo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad, jacayl, deggenaansho, bashbash, barwaaqo

Waxa dhici doontaa maalin dhow in safar cibaado yar iyo weyn loo yimaaddo Masjidul Aqsa. Iyagoo uga imanaya daafaha adduunka. Waxa loo soo goosan doonaa dal ku gal. Waxa buuxsami doona Masjidul Aqsa. Waxa dib loo dhigi doonaa duulimaadyo badan, badnida dadka ku soo cibaadaysanaya masjidka awgii. Waxa loo dhisi doonaa dadkaas badan ee yimi Masjidul Aqsa hudheelo. Waxa loo samayn doonaa basas iyo tagaasi badan oo ka soo qaada gegida diyaaradaha oo keena Masjidka idanka Rabbi. Waxa kale oo loo samayn doonaa goobo taariikhda Islaamka laga daawado lagana qaato aqoon iyo ilbaxnimo heer sarraysa. Waxa loo samayn doonaa goobo nasasho oo kuu nuurinaysa naawilaadda nolol sarraysa, idinka Rabbi.

Falastiin waxay noqon doontaa dal nabdoon, oo nolol deggenna lagu noolyahay. Falastiin waxay noqon doontaa, hormoodka dalka ugu barwaaqaysan kuna suntan amni iyo xasiloonni badan kana xaadhan waxkasta oo xumanaya, idanka Rabbi. Dadka reer Falastiin nolosha ummadaha kale ku noolyihiin mid ka sii qurux badan ayey ku noolaan doonaan, idanka Rabbi.

Nabad, jacayl, deggenaansho, bashbash, barwaaqo iyo badhaadhe ayaa u noqon doonta udub dhexaadka noloshooda idanka Rabbi oo ah ta loo diidanyahay maanta iyo 70 sano oo ina soo dhaafay. Falastiin waxay ka xoroobi doontaa gumaysiga reer galbeed, iyo hiil-la’aanta ay ka waayeen walaalahooda muslinka ah ee dunida tan dhaafiyey. Carruurta reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan in la duqeeyo, la argagax galiyo iyo in bacadka la wadho maydadkooda. Carruurta reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan hoy la’aan, hagardaamo iyo hiifka Yuhuudda, idanka Rabbi.

Carruurta reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan, dugsi la’aan, daryeel la’aan, diyaaradaha iyo dabbaabadaha duqaynaya maalin kasta ee dul dakaynaya. Carruurta reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan xayndaabka la saaray iyo xilkas la’aanta lagu hayo. Waxay u xoroobi doonaan farxad iyo damaashaad. Waxay ka xoroobi doonaan tirtirka lagu hayo iyo tudhaale la’aanta waxay hanan doonaan nolol sareedo leh oo sharfan idanka Rabbi.

Dadka reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan cibaadada loo diiday, nolosha loo diidey, farxadda loo diidey, iyo guud ahaan nolosha loo diidey ee dhinac kasta leh. Dadka reer Falastiin dhammaan si deggen waxay ugu tukan doonaan Masjidul Aqsa iyadoo aanay jirin cabudhinta iyo ciilka ay Yuhuud u qabto dadka reer Falastiin idinka Rabbi. Dadkii reer Falastiin ee qaxay xeryaha qaxootiyadana ku jiraa waxay ku soo noqon doonaan dalkooda oo nabad ah. Dhallinyarada reer Falastiin waxay si xoriyada u dhigan doonaan waxbarashadooda, una tegi donaan dugsiyadooda iyo Jaamacadahooda, waayeelka reer Falastiin waxay si deggen ugu cibaadaysan doonaan masaajidadooda. Haweenka reer Falastiin waxay ku noolaan doonaan nolol hir iyo hiraal qurux badan oo naruurana u dheertahay. Waxay heli doonaan hiil badan oo ka maqnaa inbadan

Falastiin waxay yeelan doontaa Jaamacadaha ugu waaweyn Adduunka, waxana is diiwaan gelin doonaa kumaannaan kun oo arday oo ka kala socda dhammaan dalalka kale Adduunka. Falastiin waxa u soo noqon doonaa dugsiyadoodii quraanka meelkastana waa looga iman doona idanka Rabbi.

Falastiin waxa u soo noqon doona oo la dhisi doonaa masaajidadoodii Yuhuud iyo Maraykan dumiyeen, Falastiin waxa u soo noqon doona daarihii iyo dabaqyadii laga dumiyey. Falastiin waxa u soo noqon doona noloshii la baabb’iyey. Falastiin waxa u soo noqon doonaa halyeeyadii ay huwanayd. Falastiin waxa u soo noqon doona waxkasta oo nolol ta ugu quruxda badan joogtaynaysa idanka Rabbi.

Falastiin waxay yeelan doontaa warshadaha ugu waaweyn adduunka uguna waxsoosaarka badan taasi oo ay u dheertahay waayoaragnimo hor leh iyadoo u kala dhoofin doonta dalka kastoo u baahan. Dadka reer Falastiin waxay ku soo noqon doonaan ganacsiyadoodii, shaqooyinkoodii kala duwanaa ee ay hasteen idinka Rabbi. Maxaabiista Falastiin ee la haysto, jeelasha Yuhuuddana ku jiraa waxay u soo bixi doonaan si nabadgalyo ah idinka Rabbi.

Falastiin waxay yeelan doontaa cisbitaallada iyo dhakhtarada ugu heerka sarreeya dunida. Ilbaxnimada Falastiin waxa laga qaadan doonaa tusaalayaal nool. Falastiin waxay noqon doontaa xudun, xariir u ah adduunka, jirina doonta inta ay nololi jirto. Falastiin waxay ka bixi doontaa dulmiga, dilka, boobka, dhaca, bahdilka gumaystaha reer galbeed iyo Yuhuud. Waxa dhici doonta maalin maalmaha ka mid ah oo hal qof oo Yuhuudi ahi iska daa in uu deganaadee in aanuu joogin Falastiin. Falastiin idinka Rabbi way xoroobi doontaa waxana u soo noqon doona riyo kasta oo ay lahaayeen dadka reer Falastiin idinka Rabbi.

W.Q:Faadumo Buuni

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...