Dadkii Waxa Dilay Gaajo , Gaar Ahaan Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland

0
Saturday July 13, 2019 - 11:17:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii Waxa Dilay Gaajo , Gaar Ahaan Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland

    Sdia aynu wada la socono waxa wadankii aafeeyey sicir barar ba'an oo aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sdia aynu wada la socono waxa wadankii aafeeyey sicir barar ba'an oo aan

la xakamayn Karin sida muuqata ,waa ta hore dawladdu wax gacan ugu jiraa wey yartey waxan xukuma dhaqaalah hantiiyaha private sectors oo awood buuran kuma laha xukuumaddu mana jiro sharci lagu hagaa oo ay dawladuu soo saartey, kolkaas waxay dhibaatadu ku dhacdey waa dadkii danyarta ahaa oo maceeshadii ay qaali ku noqotey.



Dollarakii jab laakiin  maceeshadii  halkii  bey taagan  tahay.

Arintaas awgeed waxaan xukuumadayada u soo jeedin lahaa in ay il dheer ku eegto danyarta ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo waynu awoodi karnaa calaa aqal in ay furan meelo lagu kariyo cunto bisil oo loo qeybiyo dadka u baahan sid ay uga nabad galaan dhaxanta iyo gaajada isugu darsamey,iyadoo ay ka qeyb qaataan baayac mushtarigu si ay uga ajer aakhiro iyo aduunba anfaca.

 


Dawladda maaha in ay ku mashquusho wasaaradu la furayo,dad la soo dhoweyn loo sameynaayo-  arinkan ixsaanka oo aynu ku badbaadinayo dadkeena danyarta waa in madaxdu shuurada ogoshay,oo la toosiyo si sharci waafaqsan.


Xisbiyadu waa inay ilaaliyaan danta qaranka oo ay ka horeysiyaan tooda shakhsiga ama midi midi ku taagta ah.

boqor,suldaan , ugaas, garaan, isin, caaqil, cheif caaqil    iwm hal  maala  waa  inay  ku  koobnaadaan  dhaqanka  oo ka reebtoomaab  siyaada.


Guurtida iyo  baarlamaanku  iyo  xukuumamaddu  waa  inay  meel uga  soo  wada  jeestaan arinka nabada  lagu  unkayo  iyagoo  kaashanaya  culimadda,waxgaradka,iyo bulshaddo dhan.


Wadanku waa qani ,waa ina deeqi haddii miyir lagu daro iyo iimaan,aqoon darana inama heyso .

qabyaaladd  meel  ina  gaadhsiin  meyso.

Dhegihii illaahay waaniyey ayaa waan san.

 

DrAbdirizak Essa

Senior Medical supply chain officer

Company -UAE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...