Kullanka Wasaaradda Beeraha iyo Hay'adda GIZ.

0
Thursday May 09, 2024 - 12:45:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kullanka Wasaaradda Beeraha iyo Hay'adda GIZ.

    Isuduwaha Wasaarada horumarinta Beeraha gobolka Togdheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isuduwaha Wasaarada horumarinta Beeraha gobolka Togdheer


Wasaaradda horumarinta Beeraha oo ku hawlan dardar gelinta horumarinta qaranka, gaar ahaa kor u qaadida waxsoosaarka Beeraha gobolka togdheer ayaa kullan la yeelatay daneeyayaasha horumarinta beeraha Somaliland gaar ahaan Hay’adda GIZ Madaxa ugu sareeya somaliland Mr. Dominic iyo madax kale, oo ay wehelinayaan isuduwaha Wasaaradda Biyaha gobolka Togdheer Rashiid Faarax iyo wefti ka socday Magaalada Hargaysa oo uu hogaaminayey Agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha Cabdiqani Yuusuf oo ka koobnaa Wasaaradda Biyaha iyo Wasaaradda qorshaynta.



Isuduwaha Wasaarada horumarinta Beeraha gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdilahi Ibrahim, oo ay wehelinayaan qaar ka mida shaqaalaha Wasaaraddaasi oo halkaa ku soo bandhiggay soo jeedin waxyaabaha ay ka wada shaqeeyeen sannadkii hore 2023 Hay’adda GIZ iyo sidoo kale waxyaabaha Wasaaradda Beeraha gobolka Togdheer rajaynayso in wax-lagala qabto oo ay ugu horayso xarun cilmi baadhis Beeraha ah oo laga aasaasayo Burco, fidinta Beeraha taasi oo qorshaha sannadkan 2024 ka Wasaarada Beerahu ku darsatay iyo sidoo kale qorshihii sannadkan oo isuduwahaasi soo bandhiggay sidii wax loogala qaban lahaa.
Kullankan ayaa waxa diirada lagu saarayay sidii labada dhinac waa Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda GIZ u xoojin lahaayeen wada shaqayntooda.

Hay’addan GIZ ayaa waxay ka mid tahay Hay’adda ay xidhiidhka dhaw ay wada leeyihiin Wasaaradda Beeraha oo ay markii hore ka shaqayn jirtay gobolada galbeedka ayaa hada gobolada bariga la shaqayn doonta mashaaric horumarinta Beeraha ahna ka fulinaysa gaar ahaan gobolada Togdheer iyo Daadmadheedh.
Loading...
Loading...